Yaan Lagugu Bixine Debed Haw Bixin!

Isbedelka iyo dhalinyarada !!

Mahad oodhan illahay bey usugnatay , naxariis iyo nabadgeliyona suubanehena korkiisa bay’ahaatay. Intaa kadib waxaan jecelahay inaan maantay qormadeyda ku idleeyo Isbedelka iyo dowrka dhalinyarada ay ku leeyihiin dalka .

Dhalinyaradu waa awooda iyo xooga bulsho weliba leedahay , Waana tamarta awoodeed ee tiirka u ah  isbedelka. Muhiimada ay dhalinyarnimadu leedahay wax inoo tusaaleynaaya Xadiiskii Nebigena( NNKH) laga wariyey oo ahaa in qofka uusan kategikarin malinta yoomul qiyaamo illahay hortiis ilaa laga weydiiyo afar waxyalood, waxaa kujira , Cimrigiisa wax uu ku dhameyey ? waxaa kaloo kamid ah dhalinyarnimadisa wax uu qabsaday ? taasina wax ay inatusinaysa muhiimada ay leedahay wakhtiga dhalinyaranimada maadama laga dirsoocay cimriga guud ee qofka.

Ummad welba oo aduunka jooga marka larabo in lacabiro hamiga iyo horumarkeedu inta uu leegyahay , waxaa lagu halbeegaa oo laga tusmo qaata dhalinyaradeeda muga-garasho iyo himilo ay xambaarsan yihiin.

Dhalinyaradu waa curiyaha kowaad ee bulshada laga soo weeraro marka larabo in ladumiyo , hadii ladhisano sidoo kale waa isirka kowaad ee bulshada laga dhisikaro, sabaabta loogu doortana waa dhalinyarada oo ah xoog had iyo jeer unugul isbedelka , tebinkarana wax ay xambaarsan yihiin oo usiigudbinkara jiilka kale ee soo kacaayo .

Tusaale wax inoo ku filan in dhalinyaradu ay yihin awoodda ay bulshadu haysta kacdoonka kabilowdan dowladaha Carbeed haba ugu horeeyo kacdoonkii dhalinyarad  wadanka Tunisia iyo Masar, dhacdooyinkaan mahadhada noqday ee calamka oodhan layabay wax kadhigay mid suurtagal ah waa dhalinyarada awooda ay leeyihin taasoo ah tamar-daahsoon oo mar hadii daahfur lagusameyo aan cidi loodin Karin.

Wax sheeg sheeg shaahid baa ka roon ayey Soomalidu ku maahmaahdaa, tamar awoodeeda dhalinyarad wax tusmo iyo tusaale inoo ku filan waxaa caalamka maantay kasocda . Hadii aan taariikhda dib u milicsanona aduunka dadka wax kabedelay ee taariikhda ku xusan waa dhalinyaro khasatan, doollimaadka wadankii somaliya la isku odhan jiray  markaan dib u milicsano waxaan ka dheehan karaa dhalinyaradii SYL oo 13 ruux ahaa inay bulshada Soomaliyeed oodhan u keeneen xuriyad ay ku naaloodeen. Dhacdadaan taariikhad leh waxaan kaqadan kara in dhalinyaradu ay yihiin xooga iyo tamar-awoodeeda bulsho iyo in tiro aysan waxba tarin ee tayo ay waxtarto .

Wadamada reer galbeedka oo ay tiradii dhalinyarada hoos u dhacday sanadadaan danbe , iyagoo og in dhalinyarada aan marnaba laga maarmi karan ayey  wax’ay daabuleen oo ay u ogolaadeen gelitaanka wadankooda dhilinyaro tahriib ugala , ama hakugaleen si dadban  oo ah in lottery

( bakhtiyaanasiib ) ayku galaan amase si sharci daro ah.

Waa maxay Isbedel (change).

Isbedel waa in laga hayaamo marxalad oo loohayaamo marxalad kale oo kaduwan , Isbedelku waa shay dabiici ah oo waana jid ( sunnah) Rabaani ah,

Waayo waxkasta oo dunida jooga wax’ay sameeyan isbedel hadaan tusaalo usooqaato qofka bini aadamka ah wax uu mara sadex marxaladood oo ah marxalad Barbaarnimo , Maxalad dhalinyarnimo , Marxalad odaynimo , taasina wax ay ina tusinaysaa in waxkasta oo dunida yaalo ay  had iyo goor is dhalan rogaan oo ay degga-rogasho sameeyaan.

Isbedelku waa noocya badan yahay balse kan ugu muhiimsan waxaan dhehi karaa waa kan qofku himiladiisa iyo afkaartisa uu xambaarsan yahay ubedelo , taas oo aan ula jeedo qofku inuu noqdo mid had iyo jeeer ku fikira wax wanaagsan dhanka fiicana wax ka fiiriya .  Hadba wax hubaal ah qofkii fikirkisa fiican yahay inuu had iyo jeer leeyahay himilo iyo aragti fiican waayo ( qofkii hawraartisa hore ku deeqdo ayaa hadalkiisu ku deeqaa).

Isbedel wax loosameeyaa si’loo helo   wadda iyo tubta saxda ah ee hayaanka geediga fiican marilahaa .

Agabyada isbedelka keeno waxaa kamid ah, Qalinka , Hadalka , Maxaadarooyinka , Doodaha cilmiyeeda , iyo  IWM.

Isbedelka iyo dhalinayrada :

Isbedelku waa dhalanrogyo iyo degga-rogasho ,dhalinyaraduna waa awooda iyo agabka lagu gaari lahaa yoolkas isbedelka, waana  tamartii lagu dhaqajin laha oo lagu gaari lahaa isbedelka . Dhalinhyaradu waa asaaska ugu fiican ee isbedel-bulsho.

Isbedelku ma ah wax iskii uyimada ee waa arin u bahan howl iyo qorshe dheeraad ah , Isbedelku waa nadaam leh hab iyo hanaan uu ku socdo , Sida uu illahay Quraanka inoo kusheegay { illahay ma bedelo qoomiyad ilaa ay iyagu isbedelaan}.  Taasina waa tusmo kale oo inoo iftiiminaysa in bilowga iyo bundhiga isbedel horumareed uu yahay mid u bahan in loo tabaabulyeysto oo marka hore ladiyaar garoobo , bilowgeed iyo curradkeedana lalayimaado .  waayo waa tii uu lahaa Abwaan Faarax Cawil:

Waxaad geliso ciiddaa dhulkana, kaaga soo go’a’e

Hadba geedki aad beerataad, goosataa abide

Girirstaad afaysaana marbaad, Gool ku qalataaye

Guuyona waxaad dhaqato baad , goonni kuu noqone

Gogashaana middaad seexataad gam’ ka doontaaye

Waxaad galabsatabaad ifkana gaar u heleysaaye

Gafna waxaad sameysaa qabriga kuugu soogeli.

Dhalinyardu waa udubdhexaadka iyo xooga isbedelka sidaan wax qabo philosopher amase Maskax-maal Soomaliyeed Xaaji aadan Afqalooc  illahay ha unaxariistee waxaan uu yiri:

Ummad aan shabaabkeedu hanan wow ayaan xumo’e

Inamiyo hablow waxaa tihiin aarankii kacaya’e

Itaal gabe dadkiinii horoo wadna aragtaane

Idinkaa amaanadii xilkii eegan qaabilaye

Iskiin wax uqabsada noloshu waa udub dhexaadkiye.

Marhadaan soo tibaaxnay in horumarku iyo isbedelku ku xiran yahay awoodda iyo tamarta buslahda oo ah dhalinyaradeeda waxaan lama huraan ah inaan wax kataabano hanaanka iyo heerarka isbedelka.

Hanaanka iyo Heerarka Isbedelka.

Somalidu wax ay dhehaan “ Ninkii tiisa xaydaanta baa kuu xanuunsada’e niney xaajadiis meel kataal kuma xuux yari’e “ taas oo loola jeedo in isbedelka marka hore uu kabilowdo qofka naftiisa oo uu ruux isagu marka hore naftiisa waxkabedelo markaas kadib ayuu bulshada waxkabedeli karaa. Qofku hadii uu ku guuleysto inuu naftiisa bedelo oo uu fikir wanagsan had iyo jeer layimaado wax u fududaaneysa inuu bulshada inteeda kalena uu bedelo , Taasna waxaa inoo hogatusaleynaayo  Abwaan Xaaji aadan afqalooc :

Haddey boogi kugu taal, ninkale tiisu kaa dedane.
Haddaad adigu tuur leedihiyo, tootir iyo qaallo.
mid kaleeto inaad toosisaa waa tu aan dhicine.

Ninbaa wax uu dhahay waxaan iskudayey labatan kii sano ee nolowshayd ugu horaysay ee mudadii aan qaangaaray kadib inaan Aduunka wax ka bedelo balse waan ka bedeli wayey , labaatankii kuxigay waxaan damcay inaan qaradayda aan ku noolahay wax kabedelo iyadana wan ka bedeli wayey, latabankii kuxigay waxan iskudayey inaan wax kabedelo Gobolkayga waan kabedeli wayey , labatankii kuxigay waxaan damcay inaan wax kabedelo Magaladaan ku noola waan ka bedeli wayey.
Horaa looyiri talo ka isuma sheegto wax uu ninkii ugu danbayntii reerbay xikmad iyo hadal dhaxal gal ah waxaan uu dhahay ” hadii aan labatan ki ugu horayey aan naftayda wax kabedelilaha kadibna aan ku xijin laha tuuladayda iyo gobalkayga , hamiya iyo himilada kale oodhan waa ay ii suuroobilahayn” Hadaba qofkii rabo inuu himilo iyo waxqabad bilabow ogow , Asaasku waa lamahuraan , Wana Soomalidu Meesha ay katiraahdo, Ood dhacameed siday ukala sarayso baa lookala guraa” .

Sheeko kasta wax’ay leedahay oraah xikmad ah oo laga dhaxlo , Taariikhduna waa mahadho  reebta tusmo iyo tusaale ,  Isbedelkuna waxa uu miro dhal yeesha marka hanaanka iyo hilinka fiican loo maro , dhalinyaraduna waa awooda iyo tamarta isbedelka , Marka qofka dhalinyarada  ah mar hadii uu tiisa toosiyo wax ufudaanaysa inuu bulshadana mustaqbalka isbedel mahadho ah ugatago oo taariikhad hadhow sidaas kugalo.

Ninkasta oo dhalinyara ah oo Soomalilander maanta hadii uu kudedaalo inuu naftiisa wax kebedelo waxaan hubaa Bulshada Soomaliyeed inay u horseedi karaan isbedel muuqda oo taariikhad galo , Markii lahelo dhalinyaro naftuudo u carbisan tahay isbedelka ayaa lagaari kara yoolka isbedel ee ummad ay leedahay .

Waxaan jecelahay inaan kusoo afmeero Qormadeydan Abwaan Xaaji Aadan Afqalooc oo ka hadlayaa Isbedelkii dunida kadhacay Intii kadnabeysa dagaalkii dunida kowaad iyo kii labadba ilaa intii lagu jiray Marxaladii gumeysiga, Isagoo tusaale usooqaadnaayo dadkii la soogumeysan jiray oo hatan xoriyad helay kadibana isbedel iyo degga-rogasho bilabay taas oo keentay inay hadhow ka saro maraan dadkii gumaysanayey. Waxaan dhehi karaa waa taarikh ina tusinaysa sida wakhtigu uu isubedelo iyo Marxalada dunida ay kujirto  waxaan uu dhahay :

Cimrigii da’ kula gaaray waa, guuldarriyo ciile
Haddaan amar Allaan laga gudbine, gebi ahaan fiirsho
Garowshiyo ku dayashaan dayaxa, gees la leeyahaye
Isaga oo geyiga nuurayuu, guud-maraa saxale
Ma gudhsado adduunyada ninkii, gobol ka maalaaye
Ninna keligii gaar uma aha’e galabba waa meele
Waagii guduutaaba waa, waayo gooniyahe
Hadba cirirku meeshuu galuu, saxal u guuraaye
Geyiga Aashiyoow khalqiga, gees walba u jooga
Geddigeed Afrika iyo, Laatiin, gobol Amreekaan ah
Gun baynu u hayn iyo addoon, guud-caddaha Yurube
Goortii waqtigii soo gudbayoo, ferenjigii guuray

Ragna waa guntaday qaarna waa, gebi-dhacleeyeene
Tabca Miyaad, malyuun baa guntada, goorta uu kacaye
Kuwii gadan jiruu Shiinihii, haatan gaasiraye

Qalinkii abdifatah basher Hassan

basherson@gmail.com

burao togdheer somaliland