Maxkamada Gobolka Banaadir Oo Maanta Riday Xukuno Kala Duwan (Daawo Sawirada)

???????????????????????????????Jan 18,2014 Muqdisho(SM)-Maxkamada Gobolka Banaadir, ayaa waxay maanta riday xukuno kala duwan, kadib markii Maxkamada lahor keenay ilaa 15 nin oo dembiyo kala duwan ku eedeysnaa. Raggaan, ayaa lagu soo eedeeyay dembiyo ay kamid yihiin dil, dhac iyo isku day kufsi oo fashilmay, iyadoo 10 kamid ah ay maanta Maxkamadu ka qaadatay go’aano kala duwan, halka 5-ta kalana ay dib u dhigtay. Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Dr. Xaashi Cilmi Nuur, ayaa waxa uu ku dhawaaqay xukunada lagu riday eedeysanayaasha, ay Maxkamadu go’aanka ka qaadatay. Xukunada waxay u dhaceen sidatan Cabdi Xuseen Abuukar waxay Maxkamadu ku xukuntay xukun dil toogasho ah, kadib markii uu dab qabad siiyay dad hurday, uuna ku dhintay marxuum Maxamed Ibraahim Xaaji. C/casiis Isgoow Xuseen, waxay Maxkamadu ku xukuntay xukun dil toogasho ah, kadib markii uu dilay Khadiija Sheekh Cali, uuna qirtay Buuwe Maxamed Muuse waxay Maxkamadu ku xukuntay xukun dil toogasho ah, kadib markii uu dilay Maxamed Yacquub Geeseey Garuun Cadow Raage, waxay Maxkamadu ku xukuntay 3 sano oo xarig ah iyo 3 milyan oo ganaax ah, markii uu ku kacay dhaqan xumo. Axmed Cali Xasan waxay Maxkamadu ku xukuntay 3 sano oo xarig ah iyo 3 milyan oo ganaax ah, markii uu ku kacay dhaqan xumo. Maxamed Maxamuud Maxamed waxay Maxkamadu ku xukuntay afar sano oo xabsi ah, markii uu geystay dhaawac iyo isku day kufsi ah. Ciise C/laahi Maxamuud waxay Maxkamadu ku xukuntay shan sano oo xarig ah iyo shan milyan oo ganaax lacageed ah. Maxamuud Xuseen Yare waxay Maxkamadu ku xukuntay in uu bixiyo makta/diyada marxuum Axmed Xasan Macalin iyo hal sano oo xarig, tacsiir ah. Sharafow Garaare Geedi waxay Maxkamadu ku xukuntay bixinta diyadii/maktii marxuum Faarax Xasan Maxamed, oo uu shil gaari ku dilay iyo lix bilood oo xarig tacsiir ah. Axmed Cabdulle Cali Maxkamada Gobolka Banaadir way sii deysay, kadib markii ay ku weysay dambi lagu soo eedeeyay. ????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????