“Waxaanu Beesha Caalamka Iyo Soomali-yaba Qirsiinay, Qaladkii Laga Galay Qaranka Somaliland” Wasiir Xirsi

(SM-Istanbul) – Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka hadlay natiijada Wadahadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ee ku soo dhamaaday Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Qoraal kooban oo Wasiirku ku baahiyey Barta uu ku leeyahay shabakadda xidhiidhka bulshada ee Facebook, ayuu ku yidhi “Waxaan Beesha Caalamka iyo Soomali-yaba Qirsiinay Qarankan Somaliland Qaladkii Laga Galay”

Wasiir Xirsi, waxa kale oo uu soo bandhigay qodobbada lagu heshiiyey, waxaanu yidhi “Wada hadal muddo socday kadib, waxaan halkan idinkula wadaagaya qodobadii kasoo baxay kulankii ay marti gelisay dawlada turkey-gu, waa qodobo gogol xaadh u noqon doona yoolka wada hadalkan oo ah in aan beesha caalamka ku qancino xaqa iyo xuquuqda ka maqan dalkeena Somaliland:

1- In labada dhinac sii waddaan wada hadalada noocan ah, isla markaana la fuliyo qodoboadii kuwii hore lagu heshiiyey,

2- Labada Dhinacba waxay gelayaan Wada-hadalada iyaga oo ay ka go’antahay in ay xaliyaan arimaha u baahan xalka si loo helo natiijo labada dhanba qancisa,

3- Labada dhinacba waxay isku raaceen inay ku dhaqmaan xeerka anshaxa iyo heshiisyada kale

4- Labada dhinacba waxay si dhamaystiran u fududaynayaan si wada jir ahna u qeexayaan meelaha la iska kaashanayo kuwaas oo ku qotoma baayihaha labada dhinac

5-Labada dhinac ba waxaa si dhaba uuga go’an xal u helida farqiyada iyada oo loo marayo hab ku salaysan nabad-gelyo iyo oo wada hadal

6- Labad dhinac waxay ku isla garteen in Dawlada Turkey-gu xog joogta ah siiso beesha Caalamka

7- Iyada oo la tixraacayo wada-hadalkii labad dhinac ku dhex maray Istanbul, Turkey 7-9/Jul 2013 labada dhinac waxay isla garteen in mudo 45 cisho ah ku dhisaan gudiga maamulka socdaalka hawada “Air Traffic Control Board”

8- Labada dhinac waxay isla meel dhigeen in ay dhisaan guddi farsamo oo ka kooban afar xubnood “ Laba xubnood dhinac walba” labada gudi Farsamo-na waxaa kormeeraya labada wasiir ee u xil saaran.

9- Waxaan wadaagnaynaa xanuunka iyo dhibta ay dadka Soomalida ah u geysateen nidaamkii keli taliskii Milatarigu, gaar ahaana dadka ku dhaqan Somaliland”

 

Wa Bilaahi Tawfiiq

Salaanmedia/Hargaysa