Adeerkay Madaxweyne Siilaanyo Mudadii Uu Xukunka Hayay Wuxuu Noo Soo Kordhiyay Dhawr Iyo Toban Milyaneer, Wixii Dhulka Ku Hoos Jiray Iyo Wixii Ka Sareeyayba Waa La Boobay

“Adeerkay Madaxweyne Siilaanyo Mudadii Uu Xukunka Hayay Wuxuu Noo Soo Kordhiyay Dhawr Iyo Toban Milyaneer, Wixii Dhulka Ku Hoos Jiray Iyo Wixii Ka Sareeyayba Waa La Boobay”
108rayte
Gudoomiyaha Arrimaha Gudaha Baarlamaanka Md. Rayte

Hargeysa, January 26, 2014 (Salaanmedia.com) – Gudoomiyaha guddiga arrimaha gudaha iyo nabadgalyada ee golaha wakiilada Somaliland Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) ayaa sheegay in muddadii saddexda sano iyo badhka ahayd ee madaxweyne Siilaanyo xilka hayay ay dad badani milyaneero ku noqdeen boobka hantida qaranka, waxaanu tilmaamay in cadaalad darada dulmiga iyo boobka hantida qaranku uu meel aanu hore u gaadhin uu marayo.
Xildhibaanku waxa uu intaa ku daray in dalku uu marayo meel xun iyo xaaladihii shacbiga Somaliland ay kula dagaalameen Rajiimkii Siyaad Barre oo uu sheegay inuu jiro qorshe ku talogal ah oo ku wajahan in muddada shanta sano ee madaxweyne Siilaanyo xilka hayo loogu talagalay in hantida qaranka iyo khayraadka dalka la boobo.
Gudoomiyaha arrimaha gudaha Baarlamaanka Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) ayaa sidaasi ku sheegay khudbad uu shalay ka jeediyay xaflad xisbiga Ucid uu ku soo dhawaynayay xubno ku biiray, oo lagu qabtay Hotelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxa la yidhi rag waxyar tare mooyee wax ma tare ma leh, Madaxweyne Siilaanyo adeerkay muddadii uu xilka hayay ee saddexda sano iyo badhka ahayd waxtar buu soo kordhiyay wixii ka horeeyay intii uu madaxweyne Siilaanyo xukunka hayay may jirin qof reer Somaliland ah oo hal milyan ama laba milyan ama saddex milyan oo dollar haystaa dhawr iyo toban milyaneer ayaa maanta jooga, milyankana waynu ognahay in muddo dheer iyo wakhti dheer lagu gaadho. Waxaan leeyahay intaasi milyaneero inoogu filane hala joojiyo, waxaan leeyahay milyanadaasi lagu helay saddex sano iyo badhka waa cashuurtii islaamaha tamaandhada haya ee cagaha cad iyo askarta mushaharka loo siiyo $20 cashuurta laga qaado weeyi”
Xildhibaan Rayte oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray “Madaxweynuhu waa reerkayaga, wasiirka macdantuna waa reerkayaga, ninka shirkadii shidaalka ee ka baadhaysa gobolka Saraar watayna waa reerkayaga deegaanka laga baadhayaana reerkayaga ayaa dega. Waa tii shirkadaasina dalka ka carartay, shirkado kale ayaa hadana heshiisyo lala galayaa inay shidaal ka baadhaan deegaano aanu maamulka Somalilandba gaadhin oo doorashooyina aanay ka dhicin ayaa heshiisyo shidaal baadhis ah lala galayaa.
Ma qabo inay maanta nabadgalyo dalka ka jirto, balse dulqaadka shacbiga Somaliland ayaa lagu joogaa, wixii ummada Somaliland ay ka dagaalantay wax ka daran ayaa dalka ka taagan. Dulmi, cadaalad daro iyo boob dekedihii iyo eerboodhadii baa la boobayaa, dhulkii danta guud iyo dhismayaashii dawlada waa la wada iibiyay.
Waxaanu leenahay waar shacbiga yaan lagu kalifin inay furka tuuraan.
Waxaan qabaa inuu jiro qorshe ah wixii shanta sano ka dambeeya yaan dalka waxba loogu imanin”.