Afar ruux oo Soomaali ah ayaa ku geeriyooday dalka Mareykanka

News

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya dalka Mareykanka, afar ruux oo Soomaali ah ayaa ku geeriyootay, kadib shil gaadhi oo shalay ka dhacay dalkaasi.

Dadka geeriyooday ayaa waxa ay gaarayaan tiradooda ilaa 4 ruux oo Somalia ah waxaana ay dhamaantood yihiin dad qaraabo ah labo kamid ah waxa ay ahaayeen dhalinyaro halka mid kalena ay aheyd haweenay la qabay qofka ugu dambeeyana uu ahaa hooyo dhashay qaar kamid ah dadka geeriyooday.

Cabdi Maxamed Guulwade oo kamid ah Soomaalida degan Gobalka shilka uu ka dhacay ee Ayoba, ayaa Idaacada VOA usheegay in afarta ruux ee geeriyootay mid kamid ah uu ahaa Wiil dhalinyaro ah, kahor inta uusan geeriyoona uu kusoo maray isaga oo deg degsan dukaan Soomaali leedahay oo dhalinyarada Soomaalida inta badan ay isugu yimaadaan, isaga oo sheegay inuu safar galayo oo dad ay qaraabo yihiin booqanayo.

Gaadhigii yaraa ee ay wateen dad geeriyooday ayaa waxaa jiidhay gaadhi weyn oo nooca xamuulka qaada ah, iyadoo durba markii loola cararay isbitaalka dadkaasi dhaqaatiirta ay sheegeen inay geeriyoodeen.

Booliiska Gobalka Ayoba ayaa iminka wada baadhitaan ku beegan sida uu ku dhacay falkaan, waxaana ay sheegeen Booliiska inay dib kasoo gudbin doonaan warbixinta.

Muddooyinkaan dambe Soomaalida dhibaatada kusoo gaareysa dalka Mareykanka ayaa soo badanaya, iyadoo dhawaan ay aheyd markii uu dab qabsaday aqal Soomaali ay daganeyd oo ku yaala Minneapolis.

Salaanmedia/Mogdish