Baarlamaanka Xamar Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyay Xukuumada Cusub Ee Somalia

Qaramada mid

Baarlamaanka Xamar Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyay Xukuumada Cusub Ee Somalia

Muqdisho, January 22, 2014 (W.Wararka) -(Salaanmedia.com)_ Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xukuumadda cusub ee uu soo dhisay dhawaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyadoo ay ogolaadeen inta badan xildhibaanadii kulanka ku sugnaa.

Codeynta oo ahayd mid gacan-taag ah ayaa waxa codeeyay 233 xildhibaan iyadoo 186 ka mid ah ay ku codeeyeen HAA, halka 46 mudane ay diideen, waxaana ka aamusay hal mudane oo keliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo kulanka shir-guddoominayay ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta, iyagoo markaas kaddib uu hoolka Baarlamaanka ka billowday sawaxan ay sameynayaan xubnaha golaha wasiirrada oo intooda badan ku sugnaa hoolka uu kulanku ka socday si ay u muujiyaan farxaddood.

Xildhibaanno ka badan sideetan ayaa hadallo ka jeediyay hoolka shirarka Baarlamaanka Soomaaliya ka hor intii aan loo codeyn xukuumadda, kuwaas oo ahaa kuwo aragtiyo kala duwan ka bixiyay xukuumadda cusub ee Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka gaashandhigga Soomaaliya, xildhibaan Cabdalla Xuseen Cali oo codeynta kaddib la hadlay warbaahinta qaarkeed ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin sida kalsoonida loo siiyay.

Sidoo kale, guddoomiyaha Baarlamaanka oo hadlay ayaa sheegay in berri oo Arbaco ah la dhaarin doono golaha wasiirrada xukuumadda Somalia, mana jirin hadal uu jeediyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed codeynta kaddib.

Balse ra’iisul wasaaraha ayaa hadal uu furitaankii kulanka baarlamaanka ka jeediyay aad ugu sharraxay inay xukuumaddiisu qaban doonto howlo fara badan oo horyaalla haddii ay codka kalsoonida hesho, kuwaasoo ay ka mid yihiin adkeynta nabadda, la dagaalanka Al-shabaab iyo dhismaha ciidamada dalka oo uu sheegay inay tiradoodu noqonayso 28,000 oo isugu jira kuwa dhulka, cirka iyo badda.

Golaha cusub ee wasiirrada xukuumadda Somalia oo ka kooban 55-xubnood ayaa intooda badan waxay yihiin xildhibaanno, waxaana xubno horay uga tirsanaa xukuumaddii kalsoonida lagala laabtay ee Saacid.

( Laaqalo)