Badhasaab ku-xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer oo ka hadlay Sababaha uu jeelka uga baxay iyo Talaabada uu qaadaayo, Dushana ka saaray Xukuumadda Siilaanyo Read more: Badhasaab ku-xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer oo ka hadlay Sababaha uu jeelka uga baxay iyo Talaabada uu qaadaayo, Dushana ka saaray Xukuumadda Siilaanyo

Badhasaab ku-xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer oo ka hadlay Sababaha uu jeelka uga baxay iyo Talaabada uu qaadaayo, Dushana ka saaray Xukuumadda Siilaanyo Read more: Badhasaab ku-xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer oo ka hadlay Sababaha uu jeelka uga baxay iyo Talaabada uu qaadaayo, Dushana ka saaray Xukuumadda Siilaanyo

guuleed-2-80x60
Hargeysa, 24 Jan 2014 (Salaanmedia.com)- Badhasaab ku-xigeenkii hore ee Gobalka Togdheer Guulleed Daahir Samatar oo shalay galab laga siidayey Saldhiga dhexe ee magaaladda Hargeysa, ayaa sheegay in lagula kacay cadhig cadaalad-daro, isla markaana waxa uu dusha ka saaray inay ka dambeyeen Wasiiradda xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Read more: Badhasaab ku-xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer oo ka hadlay Sababaha uu jeelka uga baxay iyo Talaabada uu qaadaayo, Dushana ka saaray Xukuumadda Siilaanyo

Guulleed Daahir Samatar oo xalay khadka Telifoonka ugu waramayay Wargeyska Ogaal, isagoo ku sugan magaaladda Hargeysa, waxa uu ugu horayn ka hadlay waxyaabaha lagu siidayey, waxaanu yidhi, “Wasiir Cali waran-cadde waxa uu yidhi toban Oday oo damaanad ah keena, aniguna waxaan ku idhi damaanad ku biximaayo ee halkaas ayaan fadhiyayaa oo wax damaanad ah oo aan ku soo baxay ma jirto. Anigu waxaan maqlay in Madaxweynuhu yidhi aniga ninkaasi iima xidhna ee Cali Waran-cadde kala xidhiidha. Waxaan filayaa inay isaga ku soo ururtay oo uu waayey meel uu ka baxo, dabadeedna uu yidhi faraha ka qaada. Waxa laygu haystay xaqdaro, cago-juglayn iyo tacadi. Horta anigu maan ogayn in Madaxweyne Siilaanyo yidhi anigu Guulleed maan xidhin, laakiin waxaan ku sheegayaa arrintani waxay ahayd arrin ay ku wada socdeen Wasiiraddu oo waxa la doonayey in laygu sameeyo cabudhin. Waxaana la doonayaa waxyaabaha aan ka hadlayo ee anigu aan u arko inay ku khaldan yihiin. Wasiirka Cali Waran-cadena waxaan u arkaa inuu yahay qofkaas la is-ticmaalay.” S. Guulleed adiga oo ahaa Guddoomiye ku-xigeenkii Gobalka Togdheer oo soo maamulay dhamaan shacabka Togdheer maxaa sababay in adiga mudaharaad dhinac ah oo magaaladda Burco ah lagugu Eedeeyo.? J. Horta arrintaasi waa arrin aad iyo aad u fool-xun haddii anigu aan galay, laakiin waxaan sheegayaa qofka marka la doonaayo in la ceebeeyo si kasta waa loo dhigi-karaa arrinta. Gobalka Togdheer shalayna magac ayaan ku lahaa maantana magac ayaan ku leeyahay oo ma doonaayo in magacaygu wasaqoobo, markaa anigu taas nin gali-kara ma ihi ee waa been-cad oo aan sal iyo raadtoona lahayn. S. Madaama aad tidhi anigu wax luga kumaan lahayn mudaharadkii Burco ka dhacay, laguguna eedeeyay inaad ka dambaysay rabshadii Burco maxaa sababay inaad ogolaatid iyadoo danbii lagugu helin oo maxkamad laga cadayn inaad ka baxdid Saldhiga.? J. waxaan ku sheegayaa anigu immika kumaan bixin damiin Odayaal oo markii taas layla yimi waan diiday, laakiin waxaan u soo baxay haddii aanay jirin cadaalad aan hoostago iyo maxkamad aan u ashkatoodo oo qofka xaqiisa siinaysaa aanay jirin waxaan door biday innaan ka soo baxo jeelka oo aan xaqaygii ku dagaalamo oo aan raadsado.” S. Waxaad carabka ku dhufatay inaad xaqaagii u dagaalamayso, markaa muxuu yahay dagaalka aad qaadayso.? J. Waakii caddaalada iyo ciddii kasta ee u dooda dadka dulman meelkasta ha ila gaadheen waan gaynayaa. S. Guulleed ka ahaan adiga miyay kula wacnayn inaad shacabka Gobalka Togdheer ee wallaalaha ah aad isu-soo dhawayso? J. Waxaan ku sheegayaa Burco marka hore waa aniga, nin-na gurigiisa dhibaato lama jecla oo aniga cid iga jecel Burco ma jirto. Waxa jooga oo ku nool Carruurtaydii iyo dadkii aan ka masuulka ahaa, markaa ninka leh Gulleed ayaa dagaal ka ridaaya Burco waa nin aan caqli lahayn. Marka labaad soo dhaweynta. Nin la caleemo saaro oo Caaqil lagu sheego ayaa la soo dhaweeyaa. Immikana waxaan ahay nin cadaalad-darro ku dhacday oo gurigisii saq-dhexe loo soo dhacay, isagoo wax alaale iyo wax uu gaystay aanay jirin, isagoo siyar oo fudud loogu yeedhi-karo. S. Cali Waran-cade markii aad is arragteen maxuu ku yidhi.? J. Cali Waran-cadde waxa uu igu yidhi wax aan iqaban oo masuuliyadiisa aan ku wannaagsanayn, laakiin taas dib ayaan u dhiganayaa jawaabaheeda. S. Fariinta shacabka Gobalka Togdheer u daraysaa maxay tahay.? J. Waxaan u dirayaa inay nabad kuwada noolaadan oo wallaalo noqdaan oo markii horeba wallaalo ayay ahaayeen. Xaqiiqdiina dhibaato dhex-taala oo anigu aan sheegi-karaa immika ma jirto oo waa dad isku ehel ah. Waxaan leeyahay Burco waa halkii laga dhisay Somaliland oo taariikh ayay leedahay. Waxaana shacabka wallaalaha ah ee reer Burco aan leeyahay nabadiina ilaashada. Gulleedna waa inankiinii ee haddii aad wax ii haysaan ha ii qarinina ee ii sheega, haddii dhibaato laygu hayo oo laydulminaayo itaageera ayaan leeyahay. Ninku markuu heer gaadho ah inuu Gobal u taliyo inuu Madaxweyne gaadho waxba kuma ah, madaama sagaal sanno Badhasaab ku-xigeen Gobal ka soo ahaa. Aniga siyaasiyan ayay ii xun tahay innaan hoos u noqdo oo aan dhibaato ka shaqeeyo ama aan qoys noqdo, laakiin himiladaydu taas way ka fog-tahay. Shacabka reer Birco aniga way isku kaymid oo ma kala jecli.

Xgasho Wargayska Caalamiga Ah Ee OGAALNEWS *Laaqalo*