Carlo Ancelotti: Isco Waxa Uu Weli Mustaqbal Ku Leeyahay Santiago Bernabeu

Real Mad

Carlo Ancelotti: Isco Waxa Uu Weli Mustaqbal Ku Leeyahay Santiago Bernabeu

Macalinkii hore ee kooxda PSG Carlo Ancelotti ayaa cadeeyay in ciyaaryahanka qadka dhexe ee xulka Spain iyo Kooxda Los Blancos Isco uu weli yahay qayb ka mid ah qorshaha uu ka leeyahay isbedelada xeeladeed ee kala duwan Ee kooxda.

Carlo Ancelotti ayaa qirtay in isbedelka Real Madrid ee ah in ay 4-3-3 ku ciyaaraan inay dhaawacday fursadaha uu Isco boos joogta ah uga heli lahaa kooxda, laakiin waxa uu ku adkeystay in uu 21-sano jirkan weli mustaqbalkiisa uu yaalo Santiago Bernabeu.

Si kastaba ha ahaatee, Ancelotti ayaa carabka ku adkeeyay in Isco uu sidoo kale ciyaari karo khadka dhexe ama garabka midig.

“Qaab Ciyaareedka 4-3-3 waxey ina siinaysaa dheelitirnaan badan sababta oo ah shaqada daafaca uu sameeyo iyo saddexda khadka dhexe waa mid aad u wanaagsan, waana ku hayn doonaa iyadoo la adeegsanayo habkaan,” Ancelotti ayaa sidaa ugu waramay saxaafada shirkiisa Jiraa’id.

“Waa run in isbedelkaani ay ka sii dhigayso mid ku adag Isco, laakiin waxaan u arkaa in Angel Di Maria iyo Luka Modric ay meel waliba ka ciyaari karaan taas oo saacidi doonta Isco, aniga si guud uma aan iloobin qorshaheygii hore weli waxaa laga yaabaa inaan isticmaalno waqti ka waqti” ayuu yidhi Ancelotti.

Xiddigan khadka dhexe iyo weerarka ka ciyaara ayaa la daala dhacaya ka mid ahaanshaha keydka kooxda Real Madrid.

Isco oo ku soo biiray Real Madrid bilowgii xilli ciyaareedkan ayaa dhaliyay lix gool 16 kulan oo uu u saftay Los Blancos horyaalka La Liga.