Ciidamada Ethiopia Oo Si Rasmi Ah Uga Mid Noqday AMISOM Iyo Gobolada Loo Xilsaaray Xasilintooda

Ciidamada Ethiopia Oo Si Rasmi Ah Uga Mid Noqday AMISOM Iyo Gobolada Loo Xilsaaray Xasilintooda
103eth

Baydhabo, January 23, 2014 (W.Wararka) -(Salaanmedia.com)_ Ciidamada dawladda federaalka Ethiopia ayaa shalay si rasmi ah uga mid noqday ciidamada nabad ilaalinta midawga Afrika ee AMISOM, kuwaas oo loogu wareejiyay amaanka goboladda Baay iyo Bakool ee koonfurta Somalia.

Sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka ciidamada Amisom Cali Aadan Xaamud oo isagu shalay shirjaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa shaaciyey in ciidamada Ethiopia ay si rasmi ah ugu biireen ciidamada Midawga Afrika ee AMISOM ee Somalia ku sugan. Isaga oo arrimahaasi ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Ciidamadii Uganda iyo Burundi ee horay u joogay Degmooyinka ka tirsan gobolka Bay waa laga wareejiyay halkaas, waxaana lagu wareejiyay kuwa ka socda dalka Ethiopia oo si rasmi ah uga mid noqoday AMISOM”.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in go’aan ay Qaramada Midoobay gaadhay loogu ogolaaday ciidamada wadanka Ethiopia inay si rasmi ah uga mid noqdaan kuwa Midowga Afirka AMISOM ee Soomaaliya ku sugan, si howl-galada nabad ilaalinta loo xoojiyo.

Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu intaas raaciyey “Gobollada Baay, Bakool iyo Jubbooyinka waa qaybta 3-aad ee Afarta qaybood ee loo qaybiyay howlgalka Midowga Afrika, qaybtaas ayaana wixii maanta ka dambeeya ka howlgalayaan ciidamada Itoobiya, kuwii hore ugu sugnaa gobolladaasna qaybo kale ayaa loo wareejinayaan si ay uga howl-galaan”.

Dhinaca kale afhayeenku wuxuu hadalkiisa ku daray in ciidamada Itoobiya ay dhawaan ka qayb-qaadan doonaan howlgalka AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee la doonayo in Al-shabaab lagaga saaro deegaannada ay gacanta ku hayso, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana, waxa ka mid ahaa hadalkiisa “Ciidamada Itoobiya waxaa si rasmi ah maanta loogu xiray koofiyadda lagu yaqaan AMISOM ee cagaarka ah iyo calaamadda Midowga Afrika ee garabka lagu xidho. Dhammaan ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya waxay hoos imaanayaan howlgalka AMISOM”.