Daawo Sawiro…Kulankii London ee Madaxweynaha Dawlad degaaneedka Soomaalida Etoobiya Mudane Cabdi Maxamed Cumar iyo Qurbajooga…

IMG_3790

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Safaaradda Dawladda federaalka  Ethoobiya ay ku leedahay dalkan Ingiriiska gaar ahaan magaaladda London waxa shalayto ka dhacay kulan aad u balaadhan oo ay soo buux dhaafiyeen boqolaal Qurba-Jooga dawlad degaameedka Soomaalida Ethoobiya ee ku nool daafa dalka Ingiriiska. Waxa madasha kulanku ka dhacay joogay oo dad weynahu ay kulamo la qaadanayeen Madaxweynaha dawlad degaameedka Soomaalida Etoobiya Mudane Cabdi Maxamed Cumar oo dhawr cisho safar ku joogay dalkan Ingiriiska.

IMG_3771

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Kulamada uu madaxweynahu la qaadanaayey jaaliyadda Qurba-jooga  dawlad degaaneedka Soomaalida Etoobiya ee dalkan Ingiriiska ayey kusoo bandhigayeen mahadnaq ay ku hambalyeynayaan sida wacan ee madaxweynahu uu dadkiisa ugu marti qaaday in uu la kulmo oo uu dhagaysto cabashooynkooda iyo in ay wax badan ka ogaadaan horumarka degaanka ka socda. Dadka badankoodu waxa ay aad ugu amaaneen uguna duceeyeen horumarka aadka u weyn ee ka socda degaanka oo marba marka kasii danbeeya sii kordhaaya.

IMG_3817

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa kale oo dadweynahii uu la kulmay ay madaxweynaha ka codsadeen waxyaalo fara badan oo u baahan in degaanka laga qabto,sida Caafimaadka,Biyaha,Waxbarashada iyo arimo badan oo ku saabsan arimaha Bulshada,waxa uuna madaxweynahu meel ku qoranaayey rayiga dadweynaha iyo araahda ay soo jeedinaayeen.

Xamse Axmed Salaan

London

IMG_3795

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Qurba-jooga kulanka maanta kasoo qayb galay oo aad u fara badnaa, waxa dadku ay u dhabar adaygeen inay in badan sugaan dadka oo badnaa awgeed si ay ula kulmaan Madaxweynaha  iyo weliba inay isla sawiraan .

IMG_3766 (1)

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dadka wajiyadooda waxa ka muuqatay farxad aad u badan oo ay soo dhaweynayaan horumarka aadka u balaadhan ee dawlad degaaneedku ku talaabsaday iyo weliba sida uu u kor ugu socda. Mudane Madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar waxa uu dhamaan dadkii kulanka kasoo qayb galay uga jawaabaayey su’aalaha ay qabeen ee ay doonayeen inay madaxweynaha weydiiyaan aadna wey usoo dhaweeyeen.

IMG_3823

Madaxweynaha dawlad degaaneedka Soomaalida Etoobiya Mudane Cabdi Maxamed Cumar runtii waa nin dhalinyaro ah ,Aqoonyahan  aadna u dabeecad wanaagsan ,Markii aan u kuur galay sida uu dadka ula dhaqmaayo waxa uu yahay nin aad u qiimo badan oo ah in dhamaan shacabka Soomaalida meelkastaba oo ay joogaanba ah in ay ka faa’ideystaan. Hamigiisa dhaw iyo kan fogiba waxa uu yahay nin rajo weyn ka qaba in uu wax weyn ka qaban karo dhamaan dawlad dagaaneedka Soomaalida Etoobiya.Waxaana inagu waajib ah in  in gacan lagu siiyo dedaalka uu wado Ilaahayna waxaan uga baryaynaa in uu arinkaa uu wado u fududeeyo.Waxa maalinta beriyana oo ah maalin khamiis ah 16.1.14 uu la kulmayaa Qurajooga doonaya in ay maal gashi ku sameeyaan degaanka tasoo ay in laga qayb galo.

IMG_3843

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa kale oo kulanka goobjoog ka ahaa madaxdii ku wehelisay safarkan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Beeryaha Cabdirisaaq Cali Bashe iyo Wasiirk kuxigeenka Qurbajooga ee dawlad degaaneedka Soomaalida Etoobiya Cabdi Khaliif.Waxa 

IMG_3743 IMG_3746 IMG_3747 IMG_3749 IMG_3764 IMG_3766 (1) IMG_3770 IMG_3771 IMG_3774 IMG_3785 IMG_3790 IMG_3795 IMG_3802 IMG_3817 IMG_3823 IMG_3832 IMG_3843 IMG_3849 IMG_3850 IMG_3853

 

 

 

hamse100@gmail.com

www.salaanmedia.com