Dalalka Jabuuti Iyo Shiinaha Oo Kala Saxeexday Heshiisyo Maalgashi Oo La Xidhiidha Dhinaca Dhaqaalaha Iyo Amaanka.

iska

Jan 10,2014 Jabouti(SM)-Wasiirka arrimaha dibedda Shiinaha Wang Yi, ayaa sheegay in xidhiidh dhow oo xagga ganacsiga ah ay la samaysanayaan dowladda Jabuuti, isla markaana labada waddan xidhiidhkoodu uu noqon doono mid joogto ah si loo hormariyo dhinacyada loo baahan yahay in la iska kaashado.

Kulan ay wada yeesheen Wasiirrada arrimaha dibedda ee Shiinaha Wang Yi iyo Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa labada Masuul ay kaga wadahadleen in kor loo qaado xidhiidhka labada waddan oo soo bilowday 35-sano ka hor.
“Waddanka Shiinaha waxa uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo Jabuuti si hore loogu wado iskaashiga dhinacyadan ka dhaxeeya si kalsooni hor leh loo abuuro.“ sidaa ayuu yidhi Wang oo la hadlayay Warbaahinta kulankaas ay shalay wada-yeesheen ka dib.

Wasiirka ayaa xusay in waddanka Shiinuhu uu maalgashi ku samaysan doono meelo badan oo ka mid ah Jabuuti, isla markaana uu ka qayb-qaadan doono dhismaha Dekadaha iyo waliba adeegyada kale ee loo baahanyahay.

“Runtii Shiinaha waa u muhiim dalkan iyo Afrika oo dhan, xidhiidhka waaa mid diblumaasiyadeed oo muhiimad gaar ah leh.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo xusay in waddankiisu uu fududeyn karo danaha qaar ee Shiinuhu uu ku leeyahay Afrika.

Heshiisyo hor-dhac ah oo labada waddan ay kala saxiixdeen ayaa waxaa ku jira in Shiinaha iyo Jabuuti ay iskaashi caalami ah ka sameeyaan dhinacyada ammaanka iyo waliba dhaqaalaha, waxaana lagu wadaa in markasta la hubiyo heshiiyadaas.

“Guulaha la gaadhay waxaa ka mid ah in dadka haysta Baasaborka dalka Jabuuti loo fududeyn doono in ay si dhab yar ku galaan Shiinaha oo ay kasoo dhammaysteen wax kasta oo ay u baahan yihiin.“ ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka arrimaha dibedda Jamhuuriyadda Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf.

Ugu danbayn Wasiirrada Shiinaha iyo Jabuuti, ayaa isku raacay in la hirgeliyo sida ugu habboon heshiisyadaas, waxaana waddanka Shinuhu uu ballan-qaaday in uu ka qayb-qaadan doono mashruucyo dhowr ah oo lagu harmarinayo nolosha dadka saboolka ah ee Jabuuti ku nool.

Salaanmedia/Hargeysa