Dalka Hindiya Oo Kaadida Loda Dawo ahaan Looga Isticmaalo

Dalka Hindiya Oo Kaadida Loda Dawo ahaan Looga Isticmaalo
57hindiya

Qeyb Ka mida Dadka Reer Hindiya ayaa Diin ahaan haysta Diinta Hiduusiya, Waxaana ay aaminsanyahiin in Cabitaanka Kaadida Lo`da xiliga ay kulushahay in uu Daawo u yahay Cuduro Fara Badan oo uu ka mid yahay Cudurka Kansarka.

Mid ka mida Dadka aaminsan Fikradaasi oo 42 jir ah ayaa sheegay in uu mudo 12 sanadood ah la xanuunsanayay Cudurka sokorowga, markii uu bilaabana cabida Kaadida Lo`da ay hoos uga Degtay xadiga Sokorta.

Subax kasta Marka Waagu Baryo ayuu sheegay in uu Cabo Koob Kaadida Lo`da ah.

Magaalada Aqaar ee dalka Hindiya ayaa Subax kasta waxaa xeryaha Lo`da ku kalaha Boqolaal Dad ah oo Doonaya in ay ka cabaan Kaadida Lo`da, iyada oo qof kastaana uu la ordayo Koob uu u dhiganayo Neefka kaadidiisa.

Dhakhaatiir Badan Ayaa Arrintan Werwer Ka Muujiyey Iyagoo Sheegay Inay Kaadidan Ay Dadku Cabayaan Ay Ku Keeni Karto Xanuuno Kale Oo Caafimaadkooda Waxyeela.

Dal Weynaha Hindiya Ayaa Si aad ah Loda u Dhaqda Waxaanay Arrintani Keentay In Qiimihii La Kala Siisan Jirey Loda In Uu Sare u Kaco Maadaama Kaadideedii Dawo Laga Helay.

(Laaqalo)