Dalka ugu kufsiga badan dunida oo dumarkiisa baskoolad loo sameeyay

Dalka ugu kufsiga badan dunida oo dumarkiisa baskoolad loo sameeyay
104kufsi
Dowlada India, ayaa soo saartay Biskoolad Gaar u ah Haweenka dalkas, taasoo loogu talagalay ineey kaga hortagaan Kufsiga, Biskooladan ayaa waxaa loogu magaca daray “Nerbik”, oo ah Gabadh hore ay si wadajir ah u kufsadeen rag farabadan, aakhirkiina u dhimatay.

Masuuliyiinta India, ayaa sheegay in Biskooladan ay haweenka ka saacidi doonto ineey Naftoda ku daafacaan, halka Khubarada India qaarkoodna ay kasoo horjesteen in Bistoolada loogu magac daro Gabadhii u dhimatay kufsiga.

Bistooladaan ayaa ah nuuc aad u yar, oo ay Haweenka awoodi karaan ineey ku ridaan Boorsooyinkooda, Culeyskeeda ayaa lagu sheegay 500grm.

Sidoo kale Bistooladan ayaa qaadi karta 6 xabadood oo qudha, waxaana qofka uu awoodaa inuu si sahlan ugu toogto qof u jira 15mtr.

(laaqalo)