Diyaarad 231 ruux oo Soomaali ah ka soo qaaday South Sudan oo shalay soo gaadhay Garoonka Aadan Cadde ee Moqdisho.

south sudan

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa shakay ka soo caga dhigatay diyaarad ilaa 231 ruux oo Soomaali ah, galabta ka soo daabushay Magaalada Jubba ee Xarunta Wadanka Koonfurta Suudaan.

Dadkaan, ayaa waxay dhawaan iska diiwaan geliyeen Xarunta Safaarada Somaliya ee dalkaasi, kadib markii ay saamayn ku yeesheen dagaalada toddobaadkii 4-aad ka soconaaya dalkaasi.

Xubno uu kamid yahay Agaasimaha Wasaarada Arrimaha Gudaha Cali Abtidoon Xalane, oo Saxaafada kula hadlay Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxay sheegeen in tani ay guul weyn tahay, haddii Dowladdu ay awood u yeelatay in dadkeeda ay soo daad gureyso, mid kamid ah dalalka dunida, oo ay ka jirto xaalad qalalaaso ah.

Cali Abtidoon Xalane, ayaa wuxuu sheegay in ay Dowladdu sii wadi doonto dadka Somaliyeed, ee ay ka soo daabuleyso Magaalada Jubba, si ay uga nabad galaan dagaalada dalkaasi ka soconaayo.

Mr. Abtidoon, ayaa waxa uu mahadcelin u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu ku ammaanay in uu isagu suurta geliyay in dadkaan dib dalkoodu loogu soo celiyo.

Dadka caawa ka soo caga dhigtay Garoonka Aadan Cadde ee laga keenay Magaalada Jubba, ayaa waxay mahadcelin u jeediyeen Madaxweynaha Somaliya iyo dhamaan intii u fududeysay, in ay dalka dib ugu soo laabtaan.

Gobolada qaar ee Koonfurta Suudaan, ayaa waxaa weli ku go’doonsan dad Soomaali ah, kuwaa intoodu badan la boobay goobihii ganacsi ee ay Goboladaasi ku lahaayeen.

Salaanmedia/Mogdisho