Dowlada Mareykanka oo daboolka ka qaaday inay kordhineyso Saraakiisha ka jooga Somaliya Warbixin lagu qoray wargeyska Los angeles Times ee ka soo baxa dalka Mareykanka ayaa muujineysa in dowlada Mareykanku ay aad ugu dadaaleyso xoojinta dagaalka ay kula jirto xarakada alshabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya.

Dowlada Mareykanka oo daboolka ka qaaday inay kordhineyso Saraakiisha ka jooga Somaliya
Warbixin lagu qoray wargeyska Los angeles Times ee ka soo baxa dalka Mareykanka ayaa muujineysa in dowlada Mareykanku ay aad ugu dadaaleyso xoojinta dagaalka ay kula jirto xarakada alshabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya.
latest-news-300x124

Warbixinta ayaa lagu xusay in kooxda taliyaasha ah ee dowladaasi u soo dirtay Soomaaliya ay kaalin wax ku oola ka cayaarayaan dagaalka lagula jiro Alshabaab.
Sarkaal ka tirsan wasaarada gaanshaandhiga ee dalka Mareykanka oo wargeeska la hadlay ayaa sheegay in awooda Meletari ee Mareykanku ka soo qaadi doono Afgaanistaan uu u soo weecinayo jiido dagaal oo ku yaala Afrika , Soomaaliya iyo Naajeeriyana ay ugu horeeyaan.
Sarkaalka oo qariyay magaciisa ayaa sheegay in dowlada Mareykanku ay sanadka soo socda kordhin doonto saraakiisha ka jooga Soomaaliya si joogitaankeedu u noqdo mid muuqda oo la dareemi karayo.
Dowladaha reer galbeedka ayaa galaangal meletari oo toos ah ku lahaa Soomaaliya tan iyo sanadii 2007 , waxayna ciidamada ka socda midowlada Afrika ka taageeri jireen dhinacyada sirdoonka , qorsheynta iyo saadka.
Talaabtaan ayaa noqon doonta mid ay dowlada Mareykanku ku soo celineyso joogitaankeeda Soomaaliya tan iyo sanadii 1993 xiligaas oo dhulka la soo dhigay laba diyaarad oo ah nuuca qumaatiga u kaca , 18 askarina looga dilay Soomaaliya.

Laaqalo