Duqeyn qasaaro geysatay Oo xalay lagu Weeraray Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Muqdisho

Duqeyn qasaaro geysatay Oo xalay lagu Weeraray Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Muqdisho
big1

Waxaa Xalay Tiro Hoobiyayaaal ah lagu weeraray Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. iyadoona qaar kamid ah Madaafiicda Garoonka lagu tuuray ee waxyeelo u geesatay dad rayid ah.

Madaafiicda Garoonka lagu tuuray ayaa qaarkood waxa ay ku dhaceen xaafado ku dhaw dhaw Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde kuwaa oo waxyeelo u geesatay dad rayid ah oo dagnaa xaafadahaasi.

Madaafiicda lagu Weeraray Garoonka Diyaaradaha iyo sidoo kale Taliska AMISOM ee Xalane ayaa dhacday saqdii dhaxe ee Xalay , waxaana lasoo sheegayaa in Madaafiic ku dhacday Xaafada Bangaariya ee ku dhaw Garoonka in ay ku dhaawacmeen ilaa 4-qof ay ku jiraan Haween iyo Caruur.

Lama oga ilaa hada in Madaafiicda qaarkooday in ay ku dhaceen Gudaha Garoonka Aadan Cadde iyo Xarunta Xalane , waxaana si dhab ah iyana loo ogeyn halka Madaafiicdaasi laga tuuray iyo cida ka dambeysa.

Ma ahan markii ugu horeesay Madaafiic lagu Duqeeyo Xarumo kuyaala Magaalada Muqdisho, waxaana tiro ka dhoor jeer ah Madaafiic lagu duqeeyay xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, waxaana Masuuliyada Duqeemahaasi sheegtay Xarakada Al-Shabaab.

(Laaqalo_)