El Mundo: Qiimaha Guud Ee Barca Kaga Baxday Neymar Waa 96 Milyan Euro

105neymar

El Mundo: Qiimaha Guud Ee Barca Kaga Baxday Neymar Waa 96 Milyan Euro

Qiimaha guud ee Barcelona kaga baxeysa saxeexa Neymar waa 96 milyan euro oo ay ku jirto lacago dheeri ah iyo lacago abaalmarino ah, sidaasi waxaa shalay daabacday jariirada El Mundo Deportivo.

Wargeyska ayaa sheeganaya inay heleen dukumiintiyo cadeyn u ah arintan oo yaalay maxkamada sarre ee Spain, waxaana xisaabiyeen lacagta guud ee kooxda Catalans uga baxeysa xiddiga reer Brazil.

Jordi Casas oo xubin ka ah Barcelona ayaa ku dooday in qiimaha dhabta ah ee Santos laga siiyay Neymar inaysan shaacinin kooxda. Barca ayaa arintaan beenisay waxaana ay ku adkeysteen inay Neymar ku soo iibsadeen 57 milyan euro.

Laakiin El Mundo ayaa sheegeysa in Santos ay heshay kaliya 17 milyan euro, halka 40ka milyan kale ay aaday shirkad uu madax ka yahay Neymar aabihiis.

Lacagaha soo haray waxaa lagu waramayaa in la kala qeyb qeybiyay iyadoo Neymar aabihiis lacago lagu siiyay shaqada uu suuqa kala iibsiga uga qabtay Barcelona iyo weli xayaysiinada uu Barca uga soo dhameeyay Brazil halka lacago kale la siiyay hay’ad tabarucaad oo uu leeyahay Neymar.

Waxaa sidoo kale jirta heshiis la isla meeldhigay oo ku aadan in Barcelona ay mustaqbalka la soo wareegto seddex ciyaaryahan kale oo Santos u ciyaarta iyo in ciyaaro saaxiibtinimo ay ciyaaraan Barca iyo Santos.

Neymar ayaa sidoo kale lagu waramayaa inuu mushahar ahaan u qaadan doono 54 milyan euro mudada shanta sanno ee uu saxiixay, waxaana lagu waramayaa sidoo kale in abaalmarin ahaan loo siiyay 10 milyan euro markii uu Barca ku soo biiray.

(Laaqalo)