Faransiiska oo Safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya (SAWIRRO)

Dowladda France, ayaa waxay Safiir cusub u soo magacawday Soomaaliya, xilli ay ka qayb qaadaneyso dib u dhiska dalka iyo soo celinta xasiloonidii Soomaaliya.

Wefdi uu hogaaminaayo Safiirka cusub France ee Soomaaliya Rémi Maréchaux, ayaa waxay maanta soo gaareen Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu Safiirka uu maanta ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha, ayaa Safiirka ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga ee Safiirnimo, wuxuuna si diiran u soo dhaweeyay magacaabidda Amb. Rémi Maréchaux.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu imaanshiyaha Rémi Maréchaux ee Magaalada Muqdisho uu ku sheegay, mid calaamad u ah dib u soo kabashada dalka Soomaaliya, isla-markaana ay dadkeedu hiigsanayaan nolosha caadiga ee dunida.

Madaxweynaha, ayaa wuxuu kaloo uu France ku tilmaamay mid muhiim u ah in ay yeesheen xiriir ganacsi, ayna soo dhaweynayaan fursadaha ay maalgashiga ugu sameynayaan Soomaaliya.

Gaba gabadii kulankaan, ayaa waxaa shir jaraa’id si wada jir ah u qabtay Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, Sii haayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Danjiraha France ee Somaliya Rémi Maréchaux, waxayna labaduba soo dhaweeyeen midba midka kale, labada dal.