Gaadiid ay lahaayeen Ganacsato Soomaaliyeed oo ka qeyb qaadanaya Dagaalada kasocda Dalka Suudaanta Koonfureed.

 

south sudanWararka laga helaayo Dalka  Suudaanta Koonfureed ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada Daacada u ah iyo kuwa Mucaaradkuba  ay xoog kula wareegeen gaadiid badan oo ay lahaayeen Ganacsato Soomaaliyeed oo dalkaasi kunool.

Ciidamada Hubeysan ee ku dagaalamaya Dalka Suudaanta Koonfureed ayaa gaadiidka ay ka dhaceen Ganacsatada Soomaaliyeed waxa ay u adeegsanayaan dagaaalada dalkaasi kasocda sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah Dadka gaadiidkooda la dhacay.

Waxaa sidoo kale jira in gaadiid ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed iyana xoog kula wareegeen dad u dhashay Suudaanta Koonfureed kuwaa oo gaadiidkaasi u kaxeestay deegaano ay asal ahaan kasoo jeedaan.

Waxaa aad u yar rajada ay ganacsatada kamuujinayaan in dib loo soo celiyo gaadiidka ka badan 40-baabuur ay lahaayeen ganacsatada Soomaaliyeed ee lagu dhacay Rabshadaha kasocda Dalka Suudaanta Koonfureed hadii aan xal deg deg ah laga gaadhin dagaalada socda..
Safiirka dowlada  Somalia u fadhiya magaalada Jubba ee dalka Sudan C/raxmaan Nuur Maxamed (Diinaari) ayaa sheegay iney dedaal ugu jiraan sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen gaadiid ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyed oo ay heystaan ciidamada dowlada koonfurta Suudaan.

Danjire Diinaari ayaa sheegay iney la xidhiidheen masuuliyiin ka tirsan dowlada wadanka Koonfurta Suudaan ayna kala hadleen sidii loo soo celin lahaa gaadiidkaas, isagoo xusay iney rajo badan ka qabaan in dedaalkaas uu noqdo mid mira dhala.

Soomaali badan oo naftooda baxsad la ah ayaa ku sugan Magaalada Jubba kuwaa oo saf u dheer ugu jira in Dowlada Soomaaliya halkaasi kasoo qaado ayna keento Magaalada Muqdisho.Tanina waxa ay muujinaysaa in qof kasta oo Somali ahi uu dalkiisa ka ganacsado inta uu tagaayo dal shisheeye ah oo aanu aqoon iyo dhaqanba u lahayn.

Salaanmedia/London