Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Sheegay Inay Soo Gole Joojin Doonaan Masuuliyiinta S/land Uga Qaybgalay Wadahadalada Somalia

31cirro

Hargeysa, January 21, 2014 (Salaanmedia.com) – Gudoomiyaha labada xil ee golaha Wakiilada iyo Xisbiga Waddani isku haya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro) ayaa sheegay in weftiga wadahadalada Somaliland iyo Somalia u matalaya Somaliland Baarlamaanku u yeedhi doono, isla markaana waraysi lagala yeelan doono qodobada heshiis ee Somalia ay ku kala sexeexdeen magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Gudoomiyaha Wakiilada oo shalay warbaahinta xogwaran kooban ku siiyay xarunta Baarlamaanka ayaa sidoo kale sheegay in xisbigiisa Waddani mawqifkiisa heshiiska uu cadayn doono marka uu Document-iga heshiiska labada dal uu soo gaadho.

Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro oo ka hadlaya qorshaha uga meel yaala golahooda wakiilada heshiiska Somaliland iyo Somalia ayaa waxa uu yidhi “Qodobadaasi anigu si rasmiya umaan arag waftiguna wuu imanayaa, kolayba waa loo yeedhi doonaa oo waraysi iyo warbixino ayaa lala yeelan doonaa, Baarlamaankuna wuu jecel yahay in laga waraysto arrinkaasi”

Gudoomiye Ciro oo la waydiiyay mawqifka xisbiga Waddani uu ka taagan yahay qodobada ay ku heshiiyeen Somaliland iyo Somalia waxana uu yidhi “Markanu aragno heshiiska ayuun baanu ka jawaabi doonaa”.

(laaqalo0