Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland Saciid Xasan Shire, ayaa wuxuu Isniinta maanta ah uu si buuxdo uu ula wareegay Xafiiska Shaqada.

Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland Saciid Xasan Shire, ayaa wuxuu Isniinta maanta ah uu si buuxdo uu ula wareegay Xafiiska Shaqada.

Gudoomiyaha, ayaa wuxuu maanta uu xilkaan kula wareegay Munaasabad ka dhacday Xarunta Golaha Baarlamaanka ee Puntland, waxaana ka qaybgalay dhamaan Masuuliyiinta Puntalnd iyo xubno ka tirsan Isimada Deegaanka.

C/rashiid Maxamed Xersi, Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland oo goobjoog ka ahaa Munaasabada, ayaa xilka si rasmi ah ugu wareejiyay Gudoomiyaha cusub ee la doortay.

Gudoomiyihii hore, ayaa bogaadiyay sida geesinimada leh ee Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland u soo doorteen Saciid Xasan Shire, oo uu sheegay in uu aaminsan yahay in uu ka soo bixi karo xilka loo doortay.

Gudoomiyaha cusub oo isna ka hadlay Munaasabada uu xilka kula wareegay, ayaa waxa uu mahadcelin u jeediyay Guddoonkii ka horeeyay, shaqada wanaagsan ee ay ku soo simayn.

Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland iyo Ku Xigeenkiisa C/xakiim C/laahi Xaaji Cumar “Camey”, ayaa waxay labaduba ay si isku mid ah u soo dhaweeyeen, tallaabada ay xilka ugu kala wareegeen Gudoomiyihii hore iyo midka cusub.

Isimada Deegaanada Puntland oo qaarkood ka qaybgalay Munaasabadaan xil wareejinta ah, ayaa waxay ammaanayn sida ay xilka ugu kala wareegeen xubnahaan.