Gudoomiye Ku Xigeenkii Hore Ee G/Togdheer Guuleed Dahir Samater Oo Maanta Xoriydiisii Dub Loogu Soo Celiyay

Gudoomiye Ku Xigeenkii Hore Ee G/Togdheer Guuleed Dahir Samater Oo Maanta Xoriydiisii Dub Loogu Soo Celiyay
GGGule

22/01/2014-(Salaanmedia.com)–Badhasaab Ku Xigeenkii Hore Ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar Ayaa Goor Dhaweyd Xoriyaddiisa Loo Soo Celiyey Ka Dib Markii Uu Mudo 12 Maalmood Ah Ku Xidhnaa Saldhiga Dhexe Ee Magaaladda Hargaysa.
Sida Ay noo xaqiijiyeen Ilo Xogogaal ah Xukuumadda Waxa uu Culus kaga yimid hay,adaha xuquuqal Insaanka kuwaasi oo maalmihii u danbeeyey Cambaareynayey Xadhiga Guuleed Daahir Samatar.

Sidoo kale soo daynta Masuulkan Waxaa ka Odayeeyey Wasiir Hore Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Iyo Guryeynta Siciid Sulub Maxamed , Caaqil cabdi xasan cunaaye iyo odayaal kale kuwaasi oo halgan dheer u galay soo daynta Gudoomiyaha.

Xadhiga Guuleed Daahir Samatar ayaa la sheegay in uu u Xidhnaa wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali maxamed warancadde oo isagu la sheegay in uu Diidey in la siidaayo Ilaa inta uu ka soo Noqonayey Shaqaaqadii ka dhacdey Gobolka Sool Waxaanay Wararku Intaasi ku Dareen In Wasiir Warancade uu hadda Yidhi waa in ley keenaa Damiin Aan ku siidaayo Guuleed Balse Odayaasha Iyo Masuuliyiintii kala Duwanaa Ee U Hadlayey Guuleed Daahir Samatar Ayaa Diidey Arrintaasi Iyagoo Ku Doodey In Haddii uu dambi leeyahay maxkamada la geeyo haddii kalena xoriyaddiisa loo soo celiyo.

Ugu Danbayna Waxaa la sheegay in Wasiir Warancade uu sii daynta masuulkan ka Ogolaaday Ergo Odayaal ah Oo Ay Isku Hayb Yihiin Wasiirka arrimaha Gudaha Kuwaasi oo Iyagu Si Cad uuga Xumaaday xadhiga masuulka waxaanu wasiirku garowshiiyo ka bixiyey arrintan isagoo maanta ku amray Taliyaha Booliiska In uu Sii Daayo.

Guuleed Daahir Samatar ayaa Xadhigiisa Waxaa Si Weyn Uuga Hadley Qaybaha Kala DUWAN Ee Bulshadda Reer Somaliland Xisbiyadda M,ucaaridka ah Iyo Hay,adaha Xuquuqal insaanka Kuwaasi Oo Cambaareyn Xoogan u soo jeediyey Xukuumadda.
Wariye (C/Khaalaq Diiriye ) (Laaqalo)