Haliska laga dhaxlo Libista Bishimaha la marsado

Haliska laga dhaxlo Libista Bishimaha la marsado
102lipis

Cilmi baadhis cusub oo ay sameeyeen khubaro caafimaad oo ka tirsan Jaamacadda California ee wadanka Maraykanka, ayaa digniin culus ka bixiyey istimaalka libista haweenku dabnaha ku qurxiyaan, taas oo ay sheegeen in noocyo badan oo ka mid ah libista ku jiraan walxo sun ah oo horseedi kara inuu qofku si fudud u qaado cudurka kansarka ee ku dhaca caloosha iyo sambabada iyo sido kale qaybo muhiim ah oo ka tirsan jidhka,

Sido kale Waxay kaloo khubaradani caddeeyeen in libistu ka kooban tahay macdanaha Aluminium iyo Manganese oo halis ku ah bani,aadamka haddii ay calooshooda gasho waana qatar si fudud ku faafeysa,

Lakin cilmi-baadhayaashu si cad uma ay sheegin noocyada libista halista ah iyo shirkadaha soo saara toona, balse waxay iftiimiyeen noocyadan khataraha caafimaad xambaarsan in laga helo meelaha lagu iibiyo waxyaabaha dumarku isku qurxiyaan oo dhan, iyagoo si gaar ah farta ugu fiiqay libista cas iyo ta cagaaran oo ay sheegeen inay ku badan yihiin kimikooyinka sababi kara xannuunka kansarka ee halista ah,

Markii si weyn looga war helay halista caafimaad ayaa Mid ka mid ah shirkadaha soo saarta qalabka dumakru isku qurxiyaan oo ku taal dalka Ingiriiska, ayaa sheegtay in dawladda Imaraadka Carabtu ku dhawaaqday dhaqangalka sharci cusub oo mamnuucaya in haweenku isticmalaan alaabooyinka la isku qurxiyo ee kiimikadu ku badan tahay.

Qabiirada Kooxda ah ee cilmi-baadhistan hoggaaminayey waxay sheegeen in natiijada daraasadoodu qaylo-dhaan u tahay dumar iyo gabdho badan oo aad u isticmaala libista, isla markaana caafimaadkoodu ku xidhan tahay inay qaataan digniintooda.

Khubaradan Maraykanka ah ayaa haween da’yar iyo qaar guryo leh waydiiyey noocyada ay ka isticmaalaan libista, kadib markii ay ogaadeen nooca ugu badan ee dumarku dibnaha marsadaan waxay baadhitaan ku sameeyeen walxaha ay ka kooban tahay, waxana u soo baxday inay khatar caafimaad sababi karto.

Ugu danbeeyntii Sunta ku jirta libistu waxay si halis ah u aafayn kartaa caafimaadka qofka iyo noloshiisa dambe oo dhan. In la helo suntan halista ah maaha oo kaliya arrintu, balse waa sida caafimaadkaagu khatar ugu jiri karo. Libis kaliya kuma koobna oo shirkad gaar ah soo saarto, laakiin waa noocyo badan oo laga heli karo bakhaaarrada alaabooyinka haweenku isku qurxiyaan lagu iibiyo,ayey tidhi Kathrine Hammond oo cilmi-baadhistan qayb ka ahayd islamarkaane ah qabiir caafimaad.

(laaqalo)