Hargeysa:Nuxurka Kulan Dhex-Maray Dawladaha Somaliland Iyo Itoobiya

(SM:Hargaysa) Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya ayaa isniintii toddobaadkan ee 6da bishii Koowaad waxa ay ku heshiiyeen in ay ka wada shaqeeyaan sidii ay labada dal mustaqbalka dhow iyo ka fogba u wada yeelan lahaayeen iskaashi dhinaca isticmaalka dekedaha iyo gaadiidka rarka geynaya Itoobiya, waxa aanay labada dhinacba wada hadalkan ku tilmaameen in uu ka caawin doono raadinta hab wada shaqayneed oo laba geesood ah, kaas oo keena in Itoobiya ay aad u adeegsato dekadaha Somaliland.

Shir ay yeesheen qunsulka guud ee Itoobiya u jooga Somaliland iyo guddi farsamo oo ay Somaliland u saartay in arrintan la eegaan masuuliyiinta safaaradda Itoobiya ee Hargeysa ayaa ay labada dhinac si faahfaahsan uga wada hadleen fursadaha ay labada dhinac arkaan in ay ka qayb qaadan karaan isticmaalka hadda iyo mustaqbalka ee dekedaha Somaliland, iyo weliba caqabadaha jira iyo kuwa ka hor iman kara mustaqbalka.

 

 

 

Kulankan laba geesoodka ah oo ahaa keliya in la is dhegeysto qodobbada muhiimka ahna la kala qaato ayaa waxaa guddoominayey wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, waxaana dhinaca Somaliland ka socotay guddida farsamo oo ka koobnayd, masuuliyiin sare oo ka tirsan wasaaradaha Somaliland ee maaliyadda, Difaaca, duulista hawada iyo qorshaynta, waxaana si gaar ah xoogga loo saaray in wax la iska weydiiyo bal in ay suurtogal tahay dib-u-eegis lagu sameeyo rarka shixnadaha u gudbaya Itoobiya oo sida ay Somaliland danaynaysay loo dhibo shirkado rayid ah, ka hor inta aan heshiis kama dambays ah laga gaadhin.

 

 

 

 

Intii uu kulankani socday waxaa isna ka hadlay qunsulka Itoobiya u jooga Somaliland, Brigadier Janaraal Berhe Tesfay, oo sheegay in guddidan farsamo ee la dhisay iyo kulankeedan koowaadba ay tilmaam innaga siinayaan sida ay Somaliland uga go’antahay in laga hadlo arrimaha labada dhinac danta u ah. Qunsulku waxa uu sheegay in, amniga, ganacsiga, taraansitka iyo dhismaha imkaaniyaadku ay yihiin afarta tiir ee uu ku dhisan yahay iskaashiga Somaliland iyo Itoobiya, isaga oo sidoo kalana hoosta ka xariiqay sida ay dowladda Itoobiya uga war hayso dihinaanta dhinaca dekedaha ee Somaliland, kuwaas oo Itoobiya u sahli kara in ay hesho deked dhul ahaan u dhow qaybo ka mid ah dalkeeda oo daboosha baahiyaha dhinaca badeecadaha ee dhulkaas, gaar ahaan bariga iyo koonfurta bari ee Itoobiya, oo baahidooda dekedeed u dhiganto boqolkiiba 30 baahida guud ee badeecadaha Itoobiya dibadda kala soo degto. Waxa aanu sheegay in taasi ay suurtogal ka dhigi karto in dekedaha Somaliland la horumariyo, awooddooda la kordhiyo lana tayeeyo dhinacyada ay ka midka yihiin amniga, awoodda, hannaanka rogidda iyo rarka iyo weliba la tartanka dekedaha kale.

 

 

 

Illaa xad cayiman ayaa ay Itoobiya intii muddo ahaydba isticmaalaysay dekedda Berbera, kaas oo ku dhisnaa heshiis ay mar sii horreysay wada gaadheen Itoobiya iyo Somaliland, laakiin tiro ahaan laguma caddayn karo xaddiga uu isticmaalkaasi gaadhsiisan yahay, in kasta oo ay jiraan qiyaaso ah in Itoobiya ay boqolaal kun oo doolar sannad kasta ku kharash garayso Taraansitka uga yimaadda Somaliland. Muddooyinkii u dambeeyeyna waxaa soo kordhayey tirada ganacsatada Itoobiyaanka ah ee badeecadaha ka soo dejisanaya Somaliland, taas oo soo jiidasho fiican u noqon karta in ay ganacsato kalana jidkaas maraan.

 

 

 

Laakiin qunsulka Itoobiya waxa uu sheegay in jihaysigaa cusub ee ganacsatada Itoobiya ku soo jeesatay dekedda Berbera la kulmayo caqabado yaryar oo haddii aan imika wax laga qaban sabab u noqon kara in marka ay is biirsadaan sababi karaan in ganacsatada Itoobiya ee xiisaynayey isticmaalka dekedaha Somaliland dib uga noqdaan dekedda Jabuurti ee ay hore u isticmaali jireen, sababahaasna waxaa ugu weyn cabashada ay ganacsatada Itoobiya qaarkood sheeganayaan oo ah in Somaliland ay weydiinayso cashuurta soo dejinta iyo haddana kharashka taraansitka, taas oo ku ah laba kharash. Laakiin waxa uu safiirka Itoobiya soo dhoweeyey, Somaliland oo uu sheegay in ay damacsan tahay in si ku-meel-gaadh ah ay u laasho kharashka adeegga illaa laga gaadhayo heshiis is faham oo hadda wada xaajoodkiisu socda. Waxa aanu danjiraha Itoobiya sheegay in labada dhinac ay ku wada shaqayn karaan hab ku meel gaadh ah oo lagaga heshiinayo qiimaha adegyada dekedda, si adeegsiga ganacsatada Itoobiya ee dekeddu u sii socdo inta wada xaajoodka heshiiska lagu gaadhayaa uu socdo.

 

 

 

 

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis ayaa isna sheegay in ay diyaar u yihiin dadaal kasta oo lagu ballaadhinayo iskaashigan iyo in  la isu dheelli tiro xaddiga ganacsi ee labada dhinac, isaga oo hoosta ka xariiqay in ballaadhinta isticmaalka dekedaha Somaliland ee Itoobiya ay si weyn uga qayb qaadanayso kordhinta dakhliga qaranka ee Somaliland.

 

 

 

Ugu dambayntiina guddida farsamo ee Somaliland waxa ay dhinaca Itoobiya ka codsatay in si qiimo leh looga caawiyo dadaallada lagu ballaadhinayo marinnada ay isticmaalaan gaadiidka rarka gaadhsiinaya Itoobiya, tayeynta iyo xoojinta awoodda adeeg ee dekedda iyo in ay Itoobiya siyaasiyan Somaliland ka caawiso dadaalka ay ku raadinayso aqoonsiga caalamiga ah, waxaana loo ballamay kulamo dambe.

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho:Geeska Africa