Haweenay U Dhalatay Kuwait Oo U Sheegtay Saldhig Bileys In Ninkeedu Ka Xaday Shandada Gacanta Lagu Qaato

Haweenay U Dhalatay Kuwait Oo U Sheegtay Saldhig Bileys In Ninkeedu Ka Xaday Shandada Gacanta Lagu Qaato
108kuwaiat
Haweeney u dhalatay dalka Kuwait ayaa si degdeg ah u tagtay xarun bileys oo ku taala Caasimada dalka Kuwait, taas oo u sheegtay in shandadeedii gacanta lagala baxsaday ka hor inta aanay gaadhin aqalkeedii. Sarkaal ka tirsana ciidamada bilayska ayaa ka codsaday inay isdajiso kadibna waydiiyay inay aqoonsan karto tuugaasi kala baxsaday shandadeeda gacanta. Ayaa waxa ay haweenaydaasi ugu jawaabtay “dabcan haa….wuxuu ahaa ninkaygii…wuxuu iga xaday shandadaydii kadibna wuu baxsaday,” haweenaydaasi ayaa sidaa u sheegtay sarkaalkii ciidamada Bileyska ee saldhiga ku yaala caasimadda Kuwait, sida laga soo xigtay wargayska Al Watan.

Wargayska ayaa sheegaya in ninkaas iyo gabadhiisuba ay iswaydaarsadeen hadallo kulul mar ay ka dukaamaysanayeen suuq ganacsi ka hor intii aanu go’aansan inuu u sii dhaweeyo aqalka oo aanu kala baxsan shandadeeda gacanta. “markaan kasoo daadegay gaadhigii meel u dhow aqalkayaga, ninkaygii wuxuu qabsaday shandadii kadibna gaadhii ayuu kaxaystay isagoo u kacay meel aanan garanayn,” waxaa sidaa qoray wargayska, hase yeeshee ma uu sheen in shandada ay lacagi ugu jirtay iyo in kale.

(Laaqalo)