Haweeney Maxkamad Kula Tiigsatay Wakhtiga Uu Ninkeedu Siiyo Barnaamijka WhatsApp Ee Fariimaha La Isku Waydaarsado

105what

Haweeney Maxkamad Kula Tiigsatay Wakhtiga Uu Ninkeedu Siiyo Barnaamijka WhatsApp Ee Fariimaha La Isku Waydaarsado

Haweeney reer Yemen ah ayaa ninkeeda maxkamad kula tiigsatay mudada uu ku lumiyo barnaamijka WhatsApp ee fariimaha la iskugu waydaarsado.

Gabadhan oo maxkamadda dacwad ka dhan ninkeeda u gudbisay, ayaa ka dalbatay xaakinka maxkamadda in uu ugu xukumo in uu u qaybiyo wakhtigiisa isticmaalka barnaamijkaas WhatsApp iyo la jooga qoyskiisa.

Gabadhani waxay sheegtay inuu ninkeedu wakhtigiisa ugu badan ku lumiyo isticmaalka barnaamijkaas taleefanadda qacanta ee fariimaha la isku waydaar sado, oo aanu daryeelka qoyskiisa iyo xaaskiisaba aanu u dhago nuglayn.