Hoggaanka KULMIYE Oo Ka Hadlay Safar Madaxwayne Siilaanyo Dibadda Ugu Baxayo Iyo Sababaha Keenay Dib-u-dhaca Ku Yimi shir-weynaha

Hoggaanka KULMIYE Oo Ka Hadlay Safar Madaxwayne Siilaanyo Dibadda Ugu Baxayo Iyo Sababaha Keenay Dib-u-dhaca Ku Yimi shir-weynaha, Sababeeyayna Fur-furka Ku Yimi Xisbigii UCID

Kulmiye

Jan 15,2014 Hargaysa(SM)-Xisbi-xaakimka Kulmiye ee talada dalka haya, ayaa sheegay inay khaladku ka yimi hoggaanka Xisbiga oo la tashan Madaxweyne Siilaayno waqtiga la qaabanayo shirka, isla markaana waxay tilmaameen in shirka immika dhacaaya lagu dooranayn musharixiinta xisbiga u taagan Madaxwenaha. Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel oo shalay xarunta Xisbi-xaakimka Kulmiye ugu waramayay Tv-ga Horn cabale, waxa uu sheegay in Guddidii qaban-qaabadu hawshoodii siwacan u wataan,

waxaanu yidhi, “Guddidii qaban-qaabadu hawshoodii siwacan ayay u wadaan, waxaanu rajeenaynaa in waqtigii loo qoondeeyay uu qabsoomo shirka Kulmiye. Waxa khaladka laga fahmay waa erayga dib-u-dhiga, horta anagu markii hore waxaanu ku dhawaaqnay anaga oo Madaxweynaha la tashan.” Guddoomiyaha Golaha dhexe waxa kale oo uu shaaca ka qaaday in Madaxweyne Siilaanyo safar dibadda ugu baxayo, isla markaana lagu xidhay shirka Kulmiye so noqoshadiisa dambe, waxaanu yidhi, “Madaxweynahana waxa u diyaarsanaa socdaal dibadda ah oo uu saddex waddan uu isu-marayo waxa isku soo beegmay maqnaashihisii iyo 21-ka January ee aanu ku dhawaaqnay shirka.

Madaxweynuhu waxa uu noo sheegay inuu safarkaas u baxaayo, taariikhda shirkuna ay ku beegan tahay maqnaashihiisa. Madaxweynaha oo maqana shir la qaabanayo ma jirto. Waxa shirka la qabanayaa marka Madaxweynuhu dalka dib ugu soo noqdo haddii Alle yidhaahdo.” Jaamac Shabeel waxa kale oo uu sheegay in shirkan Kulmiye ee immika lagu dooranayn musharaxiinta u taagan Madaxweynaha, isla markaana waxa uu tilmaamay inuu dambeeyo shirkaasi, waxaanu yidhi, “Shirkani maaha shirkii lagu dooranayey musharaxiinta Xisbiga oo shir-weynuhuna hawl-gaara ayuu leeyahay, markaa hawsha musharixiintu waa shirka ka dambeeya kan.

Madaxweynuhu haddii uu isa-soo sharaxo xaq ayuu u leeyahay, sida uu sheegay maalintii dhawayd ee uu yidhi wax ii diidaaya ma jirto. Madaxweynaha ayay ku xidhan tahay inuu ku dhawaaqo inuu musharaxa Madaxweynaha yahay ee Xisbiga Kulmiye, taasna isaga ayaanu ka war-sugaynaa.” Jaamac Shabeel waxa kale oo uu hadalkiisa sii raaciyay. “Mucaaridka waxaan leeyahay xisbiga Kulmiye waa xisbi dimuqoraadiya ee idinka dhex-diina ha laga helo dimuqoraadiyada, markaa immika aad ayaanu idinka horaynaa oo nama fahmi-kartaan.” “Anagu in meesha uu ka baxo Xisbiga Ucid ma jeclin, laakiin dadka ka baxay xukuumaduna dabada kama wado ee Guddoomiyaha Xisbiga Ucid ayay dadku ka yaacayaan. Markuu yidhaahdo shir ayaa Xamar la furayaa ee uu xadka ka talaabo dee sidii barigii hore SNM-tu u talaabi-jirtay waa inuu xadka ka talabaa, markaa waxa dadku uga yaacaayaan ayaa lagu arkay.” Read more: Hoggaanka KULMIYE Oo ka hadlay safar M. Siilaanyo dibadda ugu baxayo iyo Sababaha keenay dib-u-dhaca ku Yimi shir-weynaha, sababeeyayna fur-furka ku yimi Xisbigii UCID.

Salaanmedia/Hargaysa