Jamaal C. Xuseen Oo Ka Digay In Shirkad Shisheeye Lagu Wareejiyo Dekada Berbera

34jamaal

Hargeysa, January 22, 2014 (Salaanmedia.com) – Murashaxa jagada madaxweynaha xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa ka digay in maamulka dekada Berbera lagu wareejiyo shirkada Faransiiska ee Bolloré Logistics oo wadahadal uga bilaabmay magaalada Paris xukuumada Somaliland iyo shirkadaasi, waxaanu ku baaqay in heshiisyada noocaas ah la horgeeyo Baarlamaanka Somaliland.

Hase yeeshee Jamaal Cali Xuseen waxa uu soo dhaweeyay talaabo kasta oo lagu balaadhinayo dekada Berbera.

Murashaxa jagada madaxweynaha Ucid Jamaac Cali Xuseen oo shalay saxaafada uga waramay mawqifkiisa ku wajahan wada hadalka maalgashi ee shirkadaasi Faransiiska ayaa waxa uu yidhi “In la balaadhiyo oo la maalgaliyo dekeda Berbera waanu soo dhawaynaynaa, laakiin marka heshiisyada noocaasa la galayo waa in Baarlamaanka la soo maryo.

Shirkadu haday deked cusub samaynayso waanu soo dhawaynaynaa, laakiin sida saxaafadu qorayso waxaa la sheegayaa in shirkada lagu wareejinayo dekeda Berbera, wax la aqbali karo-na maaha in dekeda Berbera oo ah isha dhaqaale ee Somaliland in cid kale lagu wareejiyaana waa arrin cawaaqib xum ku keenaysa Somaliland. Heshiisyada noocaas ah marka la galayana maaha inay noqdaan kuwo qarsoodiya, balse waa in Baarlamaanka la mariyo heshiisyada maalgashiga la xidhiidha”

(Laaqalo)