Jose Mourinho Oo Qaliin Loogu Sameeyay Paris

Jose Mourinho Oo Qaliin Loogu Sameeyay Paris
104chelsea
Tababaraha Chelsea Jose Mourinho ayaa lagu soo waramayaa in shalay isniintii qaliin loogu sameeyay dhaawac uu ka qabay xusulka, sida ay sheegayaan warar soo baxaya.

50 jirkan reer Portugal ayaa daawaday kooxdiisa Chelsea oo 3-1 ku dubaneysa Manchester United kulankii habeen hore ee Stamford Bridge ka hor inta aanuu xaadirin cashadii xidhiidhka qorayaasha England ee Hotel-ka Savoy halkaasoo abaalmarin lagu sharfay.

Haatan Sky Sports News ayaa sheegaya in Mourinho oo kooxdiisa ay axada la ciyaari doonto Stoke City wareega afaraad ee FA Cup inuu qaliin ku galay Paris.

Qaliinka lagu sameeyay ayaana aheyn mid u diidaya inuu xaadiro kulanka Stoke City ee axada soo socota, laakiin dhaawaca laga daweeyay xusulkiisa ma aheyn mid uu banaanka soo dhigay ama ka muuqatay markii abaalmarin sharafeed xalayto ka gudoomayay xidhiidhka qorayaasha England ee FWA

(Laaqalo)