Juan Mata Oo Seegay Tababarkii Shalay Ee Chelsea Isagoo Ku Sii Dhawaanaya Inuu Ku Biiro Man Utd

106mata

Juan Mata Oo Seegay Tababarkii Shalay Ee Chelsea Isagoo Ku Sii Dhawaanaya Inuu Ku Biiro Man Utd

Juan Mata ayaa seegay tababarka Chelsea ee shalay iyadoo heshiiska uu ugu wareegayo Manchester United ee 37 ilaa 40ka milyan ginni u dhaxeeya la dhameystiri karo dhamaadka isbuucan.

Jose Mourinho ayaa daawanayay kooxdiisa koowaad oo tababar qaadaneysa laakiin Mata ayuu ka maqnaa xarunta tababarka Cobham.

Wakiilada Mata ayaa maanta u duulay Manchester iyagoo wadahadal kula jira United, waxaana 25 jirkaan ka dhaadhacsan inuu tijaabada caafimaadka u mari doono United ka hor isbuuc dhamaadka.

Inkastoo United ay heshiiskaan u la dhaqmeyso si aad u taxadar leh madaama ay xagaagii hore ku guuldareysteen saxiixyo waa weyn ayaa tababaraha David Moyes waxa uu haatan aaminsan yahay in heshiiskaan uu ku dhow yahay gabagabo.

Mata ayaa u darban inuu ka tago Chelsea ka dib markii uu ku jahwareeray kursiga keydka Stamford Bridge xilli ciyaareedkan.

Ing Laaqalo