Kenya oo sheegatay masuuliyada weerarka cirka ee Shabaabka lagula eegtay Deegaanka Kalabeydhka.

Diyaaradaha

Dowladda Kenya, ayaa waxay sheegatay masuuliyada weerarkii xagga cirka ee gelinkii dambe ee Khamiistii ka dhacay Deegaanka Kalabeyrka, halkaasoo ay fariisimo ku lahaayeen Ururka Al Shaaab.

Deegaanka ay duqeymuhu ka dhaceen, ayaa wuxuu qiyaastii 20km uu u jiraa Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Afhayeenka Ciidamada Militariga ee Dowladda Kenya Major Emmanuel Chirchir, ayaa sheegay in duqeymo dhinaca cirka ah ay ka geysteen Gobolka Gedo, sida uu yiri.

Afhayeenka, ayaa wuxuu sheegay in weerarkaan lagu dilay Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ururka Al Shabaab, inkastoo aanu kala cadayn waxa ay isgu jireen Saraakiishaasi.

Major Emmanul Chirchir, ayaa warkaan si kooban ugu sheegay bogga uu ku lee yahay Shabakada bulshada xdhiidhisa ee Facebook. Isagoona dadka reer Kenya u diray hambalyo ku beegan curashada sanadka 2014-ka.

Sheekh Isaaq Xuseen Mursal, Xoghayaha Gaashaandhiga ee Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed, ayaa wuxuu sheegay in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo ka qayb qaadaneysa, la dagaalanka waxa uu ugu yeedhay Khawaariijta.

Afhayeenka Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq (Al qaadi), ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in weerarkaan khasaaro buuran loogu geystay Ururka Al Shabaab, walow uusan cayimin inta uu gaadhsiisan yahay khasaaraha Shabaabka ka soo gaadhay duqeymaha, ay geysteen diyaaradaha dagaalka ee Kenya.

Ururka Al Shabaab, ayaan jirin wax war ah oo ay ka soo saareen duqeymaha lala dhacay fariisimaha, ay ku lee yihiin Deegaanka Kalabeyrka, ee duleedka Magaalada Garbahaarey.

Salaanmedia/Mogdisho