Madaxa Gaadiidka Madaxtooyadda Oo Wata Laba Nin Oo Dhar-Cad Hubaysan Ah Oo Weeraray Nin Rayid Ah Iyo Dareeno Ka Dhashay Dhacdadaasi

Madax Gaadiidka

“Waxaan Si Kadis Ah Ula Kulmay Laba Nin Oo Hubaysan Oo Dhar Cad Oo Aan Wajiyadooda Garanayo Oo Ciidanka Bilayska Ka Mid Ah Iyo Abshir Oo Xoog Ku Saara Baabuurka Ku Leh”Mustafe Saxardiid Askar

Hargeysa, January 22, 2014 (Salaanmedia.com) – Sida ay Warbaahinta QaarKa Mid Ahi u xaqiijiyeen dad goob joog ahi madaxa gaadiidka madaxtooyadda Somaliland Abshir Xasan Xaashi ayaa isaga oo wata laba nin oo dhar cah ah oo hubaysan ayaa habeen hore fiidkii weerar ku qaaday nin dhalinyaro ah oo ganacsade ah oo ku sugnaa macradka baabuurta lagu iibiyo ee xaafadda Shacabka ee magaaladda ku yaala ee Shabac Motors.

Ninkan weerarka lagu soo qaaday oo lagu magacaabo Mustafe Saxardiid Askar ayaa isaguna mar aanu shalay la xidhiidhnay Warbahint a Qaar Ka Mid ah Oo u sheegay in raga soo weeraray ay ahaayeen rag dhar-cad ah oo uu wajiyadooda garanayo oo ka tirsan ciidanka Bilayska Somaliland, kaas oo tilmaamay in dhaqamada noocaas ah ee uu ku kacay masuulkaasi ka tirsan madaxtooyadu inay dhaawacayso amniga iyo kala-danbaynta Somaliland.

Sidoo kale dhacdadaasi habeen hore ka dhacday xaafadda shacabka ayaa la nooc ah weerarkii

24-kii bishii April ee sanadkii hore ee 2013-kii lagu qaaday madaxda wargeyska Hubaal ee ay xukuumadu albaabada u laabtay 13-kii December ee isla sanadkaas 2013-kii,kuwaas oo ay weerareen rag dharcad ah oo hubaysan oo aakhirkii la ogaaday inay ka tirsan yihiin ciidanka Booliska Somaliland.

Ugu horayn ninka la weeraray isaga oo Warbaaahinta Qaar Ka Mid Ah uga waramaya sida ay wax u dhaceen iyo sababta keentay inuu Agaasime dawladeed oo dharcad hubaysan wataa uu soo beegsado, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Arintu waxay ka dhalatay baabuur uu leeyahay iyo mid aan masuul ka ahay oo gabadh dumaashiday ahi leedahay ayaa is jiidhay oo laba dirawal ayaa kala watay, ka dib ninkii baabuurka ii waday ayaa la xidhay ka bacdi ayaan aniguna soo damiintay ninkii oo isagu markii danbe igaba baxsaday, markii ninkii dirawalka ahaa ee aan soo damiintay uu iga baxsaday ayaan Abshir ku idhi waar anigaa kuu samaynaya baabuurka oo lacagta bixinayee isku keen-keen. Anaga oo sidaas isku og ayuun buu xalay ila soo hadlay aniga oo u shaqaynaya aroos nin aanu saaxiib nahay oo uu igu yidhi madaxtooyadda ayaan ka soo baxayaaye kumee ka bacdi ayaan ku idhi waa sax’e macradka Shabac iskugu keen keen. Intaasi markii ay na dhexmartay ayaan ana halkii balantu ahayd imid oo aan soo istaagay dabadeed anigoo macradka jooga ayaa la ii yeedhay oo waxaaban si degdeg ah ula kulmay laba nin oo hubaysan oo dhar cad oo aan wajiyadooda garanayo oo ciidanka Bilayska ka mid ah iyo Abshir oo xoog ku saara baabuurka ku leh. Intaas ka dib ayaan aniguna is difaacay oo aan dagaalamay ilaa markii danbe dadkii naga ag dhawaa ay nagu soo baxeen oo ay i difaaceen”.

Mustafe Saxardiid isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey “Waxaan la yaabay nin wayn oo masuul ah oo isaga oo rag dhar cad ah oo aan diray ciidan-na gashanayn wataa uu dadka shacabka ah soo weeraro, arintaasi run ahaantii dawladnimadeena iyo qaran-nimadeena-ba way dhaawacaysaa. Waxaanay dhacdadani la nooc tahay weerarkii wargeyska Hubaal ee raga dhar-cada ahi ay weerarka ku qaadeen madaxda wargeyskaasi”.

Dhinaca kale sida ay Haatuf u sheegeen dad xogogaal u ah arintaasi madaxa gaadiidka madaxtooyadu Mr Abshir ayaa isagu dacweeyey askari madaxtooyada ka tirsan oo magaciisa la yidhaahdo Siciid Afmadow oo isagu goob joog u ahaa dhacdadii habeen hore, kaas oo kala qabtay ninka la soo weeraray iyo raga dharcada ah ee weerarka soo qaaday, isla markaan sida ay xogahaasi tibaaxeen Askarigaasi ayaa agaasime Abshir ku yidhi waar orodoo saldhiga tag hadii aad ninka wax ku leedahay, balse dacwadaasi ayaa waxa ka difaacay askarigaasi dadkii goob jooga ahaa oo shalay galinkii hore looga yeedhay aqalka madaxtooyada, aakhirkiina markhaatiyo la horgeeyey Taliyeyaasha madaxtooyada ay cadeeyeen inaanu askarigaasi wax danbi ah ku lahayn dhacdadaasi.