Madaxweynaha Iran Xasan Rooxaani Oo Soo Jeediyey In Syria Doorasho Laga Qabto

Madaxweynaha Iran Xasan Rooxaani Oo Soo Jeediyey In Syria Doorasho Laga Qabto
107iran
Madaxweynaha Iran Xasan Ruuxaani ayaa sheegay in arrinta Suuriya lagu xallin karo oo kaliye in la qabto doorashooyin xor ah.

Xasan Ruuxaani ayaa sheegay in waddamada dibedda aanay go’aan u gaadhi Karin dadka iyo dalka Suuriya

Waxaa uu hadlayay maalin kaddib markii uu furmay shirka nabadda ee Suuriya.

Iran ayaan ka qeybgalin shirkaas kaddib markii Qaramada Midoobay kala noqotay casuumaad ay hore ugu soo dirtay.

Ergeyga caalamiga ah ee Arimaha Suuriya, Al-Akhdar Ibrahimi, ayaa shalay wadatashiyo gooni gooni ah la leh dhinacyada Suuriya.

Ibrahimi waxaa uu la hadli doonaan wafdiyada ka socdo dowladda iyo mucaaradka Suuriya oo maalintii shalay is weydaarsday hadallo kulul.

Wafdiga dowladda Suuriya waxaa hogaaminaya Wasiirka Arrimaha Dibedda isla markaana ah Ra’iisalwasaare kuxigeen.

Fadhigii furitanka shrika ee maalin ka hor lagu qabtay magaalada Montreux waxaa ka soo baxay khilaafka u dhexeeya dowladda madaxweyne Bishar Al-Asad iyo kooxaha mucaaradka.

Ibrahimi ayaa qiray inuusan weli kala ogeyn in labada dhinac ay diyaar u yihiin inay is hor fariistaan iyo in kale.

Safiirka Suuriya ee Qaramada midoobey Bashar Jacfari waxa uu sheegay in isu dheelitirnaan la’aan ay ka jirto goobta wadaxaajoodka

Laaqalo