Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Maanta safar ugu baxaya dalka Faransiiska.

(SM:Hargaysa) Madaxweynaha  Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa  maanta Safar shaqo ugu kicitimaya waddanka Faransiiska oo uu casuumad rasmi ah ka helay.

Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofaya garoonka diyaaradaha ee Cigaal ee magaalada Hargeysa.

Sidoo kale waxaa la filaayaa in uu madaxweynuhu safarkiisa faransiiska uga sii gudbo Wadamo kale oo ku yaala yurub,sida Ingiriiska oo ay ku sugan yihiinshacab badan oo reer Somaliland ah,lana filaayo inuu la kulmo qaar ka mid ah madaxda dalka Ingiriiska.

Madaxtooyada Somaliland ayaan war rasmi ah ka soo saarin Safarka Madaxweynaha iyo Weftiga uu hoggaaminayaa saaka kaga ambabaxayaan Hargeysa.

Wixii war ah ee kasoo kordha safarka Madaxweyne Siilaanyo lasoco wararkayga danbe Insha Allah.

Salaanmedia/Hargaysa