Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Kulan La Yeeshay Dhakhaatiir Ka Socotay Maraykanka Oo Hawlgalo Caafimaad Ka Fulinaya Somaliland

Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Kulan La Yeeshay Dhakhaatiir Ka Socotay Maraykanka Oo Hawlgalo Caafimaad Ka Fulinaya Somaliland
108saylaci
Hargeysa, January 26, 2014 (Salaanmeda.com) – Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay Xafiiskiisa ku qaabilay dhakhaatiir ka socday dalka Maraykanka oo maalmihii u danbeeyey Somaliland safar shaqo ku joogay.
Dhakhaatiirtan ka socday Jaamacada Harvard University ee dalka Mareykanka, gaar ahaan qaybteeda cudurrada ku dhaca maskaxda oo uu hogaaminayo Dr. David C. Henderson iyo labada dhakhtar ee la socda oo kala ah M. Claire Green, MPH iyo Esther Gabrielle Rosengarten, ayaa waxa hor-kacayey Mulkiilaha Cusbitaalka neerfaha ee Hargeysa Neurology Centre Dr. Ciise Kayd oo isaguna dalka mareykanka wax ka dhiga.
Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici waxa uu sheegay inuu si niyadsami ah ugu soo dhawaynayo Somaliland oo ah dal nabadgelyo ah oo dimuqraadi ah oo ay ka fulin karaan hawlgalo caafimaad.