Maxaad Ka Taqaanaa Shirkada Soo Saarta Baabuurta Reer Hargeysa U Yaqaanaan Tukhaanka

Maxaad Ka Taqaanaa Shirkada Soo Saarta Baabuurta Reer Hargeysa U Yaqaanaan Tukhaanka
108raaxo
Tata Nano waa gaadhi magaalo waxaana samaysa shirkadda la yidhaa Tata Motors. Waxaana lagu sameeyaa kadibna lagu iibiyaa dalka Hindiya moodeelkoodii ugu horeeyey, baabuurta Nano waa kuwo aad u jaban oo ku cusub dunida maanta qiimahooduna waxa uu dalka Hindia ka joogaa 100,000 Rupees lacagta dalkaasi oo u dhiganta $2000 doolar bilowgii wax soo saarka shirkada.
Kadib markii lagu guulaystay samayntoodii iyo qiimaha jaban sanadkii 2005, shirkadda Tata Motors waxay bilawday inay hormariso oo ay samayso gawaadhi kale oo macquula taas oo dadweynaha Hindiya ku nool badankoodu ay kaxaystaan. Soo bandhigiidii baabuurta loo yaqaan Nano ayaa indha gaara waxa ku eegayey saxaafada taas oo ay kaliftay qiimaha yar ee la siinayo.
Rajo badan ayaa gawaadhidan kasoo baxday markii la waday samayntooda iyadoo la filayey in aanay wax qiima ah aanay samayn doonin marka la dhameeyo howshooda.
Sanadkii 2008 mar la qiimeeyey oo ay qiimaysay ururka Crisil, ayaa sheegtay in gawaadhidan Nano ay ku fidi doonto suuqa baabuurta ee dalkasi 65%, laakiin, sanadkii 2012-kii dabayaaqadiisii, warbinada qaar ayaa sheegaya inuu hoos u dhac ku yimi sababtoo ah macaamiisha Hindiya oo aan isticmaalin badankoodu.
Iibsigii gawaadhidan labadii sano ee ugu horeysay ayaa ahaa kuwa dardar ku socday 70,000 xabbo ayaa la iibsaday iyadoo shirkadda Tata u muuqatay inay samayso kuwa awood leh oo ka yara weyn baabuurta yaryar ilaa 250,000 gaadhi
ayay sanadkii ku kordhisaa soo saaristooda.
Waxaa laga filayey 2009-kii inay wax saamayn ah oo balaadhan ku yeelato baabuurtii lasoo isticmaalay laakiin waxay hoos u dhigtay, 25-30%, weli lama garan karo hadii ay baabuurtani wax saamayna oo dheer ay ku yeelan doonto qiimaha iyo dalabka dadweynaha bishii July 2012-dii, Guddoomiyaha shirkadda Tata Group, Ratan Tata, ayaa sheegay in gawaadhidan yaryar ay dunida horumaraysa faa’iido weyn u tari doonto isagoo cadeeyey inay fursadihii u horeeyey ay qasaareen taasoo ay keentay dhibaato farsamo, isla markaana qoysaska danyarta ah ay shirkadu u suura galisay inay helaan gaadhi qiimo jaban oo qoysku arrimihiisa ku fushadaan, maadaama oo aanay hore u awoodi karin gawaadhida qaaliga ah.
Si kastaba ha ahaatee gawaadhidan yaryar ee aduunka ugu qiimaha jaban ayaa si xawli ah isticmaalkoodu uu ugu soo badanayey magaalada Hargeysa iyadoo ay dadku u iibsanayaan inay ku shaqaystaan oo ay nolol maalmeedkooda kula soo baxaan, isla markaana dadka qaar ay u iibsanayaan dhinaca shidaal cunista oo aad u yar.
Sidoo kale dadka Reer Hargeysa oo gaadiidkan yaryar aad ula dhacay ayaa markiiba u bixiyey magaca Tukaan oo ay ula jeedaan yaridiisa, isla markaana qiimo jaban qofka ku gaynaya halka ay dani ka gasho, waxaana maalinba maalinta ka dambaysa kordhaya qiimaha lagu iibsado gawaadidan oo imika suuqyada baabuurta ee Hargeysa ka maraya lacag ka badan $3000.

(Laaqalo)