Midowga Afrika oo shaaca ka qaaday in Ciidanka Itoobiya ay ku biirayaan hawlgalka Amisom

image

Ururka Midowga Afrika, ayaa wuxuu si diiran u soo dhaweeyay in Ciidamada Militariga ee Dowladda Itoobiya, ay si rasmi ah ugu biiraan hawlgalka lagula dagaalamaayo Ururka Al Shabaab.

Madaxa Midowga Afrika ee dhinaca ammaanka Ismal Chergui, ayaa wuxuu bidhaamiyay in ay muhiim u tahay hawlgalka Amisom, haddii ay ku soo biiraan Ciidanka Militariga ee Itoobiya.

Sarkaalkaan, ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ay ka caawin doonaan qorshaha lagu wiiqaayo awooda Ururka Al Shabaab, xilli uu sheegay inaanay khatar ku ahayn Soomaaliya oo kaliya.

Sidoo kale wuxuu xusay in Golaha Ammaanka uu meel mariyay in tirada Ciidanka Amisom laga dhigo 22,126 askari, haddii Ciidamada Itoobiya ay ku sugan Somaliya, ku soo biiraan hawlgalka Amisom, ayuu sheegay inaan loo baahan doonin in Ciidan kale la doon doono.

Ciidamada Amisom ee xilligaan ku sugan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Soomaaliya, ayaa waxaa tiradoodu lagu sheegay in ka yar 18 kun.

Dowladda Soomaaliya, ayaa waxay horey u soo dhaweysay in Ciidamada Itoobiya, ay kamid noqdaan hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom, iyadoo taasi qiil kaga dhigtay inaanay Itoobiya ahayn middii hore.

Ismal Chergui, ayaa wuxuu hadalkaan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay shir ka dhacay Magaalada Addis Ababa, oo looga hadlaayay arrimaha Afrika.

Salaanmedia/Mogdisho