Milatariga Somalia oo soo dhoweyay ka mid noqoshadii Itoobiya ee howl-galka Amisom

milatariga somaliya.jpg

Ciidamada itoobiya ee qeybta ka noqday Amisom ayaa ka howl gali doona gobolada Bay, Bakool iyo Gedo kuwaas oo meelo badan ay wali ka joogaan Al Shabaab. –

Muqdisho(Salaanmedia.com)Taliska milatariga Somalia ayaa soo dhoweyay ku biiristii ciidamada Itoobiya ay ku biireen kuwa Midowga Afrika ee Amisom.

Jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi, abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ka mid noqoshada Itoobiya ee howl-galka midowga Africa ay xoojin doonto la dagaalanka Al Shabab.

Ciidamada itoobiya ee qeybta ka noqday Amisom ayaa ka howl gali doona gobolada Bay, Bakool iyo Gedo kuwaas oo meelo badan ay wali ka joogaan Al Shabaab.

“Ku biirida Itoobiya ee Amisom waxey soo dedejin doontaa cirib tirka Al Shabab , waxey sidoo kale caawin doonaan ciidamadeena jooga Hiiraan iyo Gal-gaduud ayuu yiri Jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi.

Shacabka Soomaalida ayaa badi ka soo hor jeestay go,aankii Itoobiya kaga mid noqotay howl-galka midowa Africa ee Somalia ee loo yaqaano Amisom.

(Laaqalo)