Mirko Vucinic Oo Ka Tagay Tababarka Juventus Isagoo Ku Sii Jeeda Inter Milan

Mirko Vucinic Oo Ka Tagay Tababarka Juventus Isagoo Ku Sii Jeeda Inter Milan
104juva
Wararka la xidhiidhinayay Mirko Vucinic inuu u wareegayo Inter Milan ayaa u muuqda kuwa xaqiiqda ku dhow ka dib markii uu ka tagay xarunta tababarka Juventus shalay.

Xiddiga reer Montenegro ayaa lagu waramayay inay dalab ka soo gudbisay Inter Milan kuwaasoo loo arkayay inay iyagana Bianconeri u soo bandhigeen inay siiyaan Fredu Guardin heshiis kala bedelasho ah.

Sida ay qortay La Gazzetta dellon Sport heshiiska durbaba waa la iska raacay waxaana labada kooxood ay qarka u saaran yihiin inay saxiixaan.

Diirada ayaana u soo wareegtay markaas ka dib xarunta Juventus ee Vonovo, halkaasoo Sky Sport Italia ay soo jeedineyso in Vucinic uu macsalaameeyay asxaabtiisa kooxda ka hor inta uusan ka tagin tababarkii maanta.

Wararka xanta ah ee socda ayaa sheegaya inuu ka tagi doono kooxda maanta waxaana ciyaaryahanka uu ku sii jeedaa magaalada Milan si uu wadaxaajood u la galo Inter.

Dhanka kale qabiirka dhanka suuqa kala iibsiga Gianluca Di Marzio ayaa isna sheeganaya in Guarin uu heshiis la gaaray Juve islamarkaana uu tijaabada caafimaadka u mari doono kooxda lagu naaneeso Old Lady.

(Laaqalo)