MUCJISO.HARGEYSA: WARAABE LOOGA TAAG WAAYAY XABAAL GAAR AH..

SM/ Mucjisooyinka uu Iilaahay ugu tallogalay inay adoomadiisa wax ku qaataan, isla markaana dareemaan waxa eebe ugu tallogalay abuuritaankoodda iyo macnaha laga leeyahay waxa lagu tusaa siyaabo badan bani’aadamka ama loo dareengaliyaa.

 

image

Maalin walba waxa hortaadda timaada dhacdooyin qariiba ah oo qofka caqliga lihi ka faa’iidaysan karo si uu aakhiridadiisa uga dadaallo, isla markaana uu u noqdo dadka aakhiro guulaystay ee sidii uu ilaahay ugu talogalay iyo sida uu u yidhi ii caabudda u caabuday, iyadoo cidna ka siin awoodaha Ilaahay leeyahay iyo waajibaadka uu ku amray inay yeelaan adoomadiisa.

 

 

Quraanka iyo Xaadiis badan ayuu ilaahay kaga hadlay awoodiisa iyo sida uu wax u bedbedelo, isagoo bani’aadka tusayey inay u hogaansamaan awoodiisa, isla markaana ugu nasteexaynaya inay if iyo aakhriba liibaan oo tubtuu u dhigay maraan, intaas kagama hadhin waxa jira dhacdooyin iyo mucjisooyin uu ku lamaanaayey nolosha si ay u baraarugaan mar kasta niyadana ugu hayaan waxa loo abuuray iyo nolosha aduunka in aanay macno badan lahayn dhaldhalaalka aduunkana aanay isa siin, haseyeeshee dhacdooyinkaasi waxa ka faa’iidaysta inta caqliga leh, caqliga iyo garashaduna maaha aqoon maadi baan PHD ka gaadhay, balse waa qofka oo fahma nolosha dhabta iyo dhacdooyinka is dhalan roga ujeedooyinka ay usocdaan ka dibna ilaahay ku xidhnaada, kitaabka ilaahay iyo sunihii Nabi maxamed tusaale fiican uu u yahay.
Mar kasta oo aad booqatid xabaalaha waxaad dareemaysaa Alla ka cabsi iyo in nolosha aduunku aanay sida u weynaan, halka lagu waarayaana tahay aakhiro, si kasta oo xoolo u dhaqato iyo si kasta oo nolosha ka gaadho darajo sare ilaa heer madaxweynaha iyo ka u hooseeyaaba geeridda way u siman yihiin, isla markaana hal bogcad uun bay ku wad leeyihiin, isku siina waa loo wada aasayaa god madowna waa lagu wada ridaya, waxaana ka raacaya aduunyo iyo wixii uu magac lahaaba kafanka yar ee godka ku wehelinaya. sidaa darteed waa in mar walba aad ku cibro qaatid waxaad indhahaagu arkayaan kuna baraarugtaa siday wax u dhacayaan iyo dhacdooyinka uu noloshaada ilaahay ku lamaanayey oo mudan inay wax ku qaatid, in badana ilaahay wuu kaga hadlay quraanka, quraanka miyeydaan caqli lahayn miyeydaan wax ku qaadanayn arrimaha hortiina yaalla, waxaanad ogaataa in qofka nooli saddex marxaladood oo kala duwan soo maro in sagaal bilood calooshii hooyaddii ku jiro, in muddo kooban uu aduunka joogo, inta badana uu hoygiisa rasmiga ah ee Aakhiro ku nagaanayo.

 

 

Hadii aan hordhaca qoraalkan halkaasi kaga gudbo waxaan shalay ka qaybgalay jinaasad, waxaana booqday xabaalaha waqooyiga Hargeysa oo aanu aas kaga qaybgalay, waxaase xabaalihii ku arkay mucjiso layaab ah, taas oo ah Waraabe laga kari waayey mid ka mid ah xabaalaha halkaas, oo waliba badhtanka ugu jirta boqolaal xabaalaood, waxaanu doonayaa inuu foqo oo uu la baxo maydka ku aasan. haseyeeshee mar dambe ayey arkeen shaqaalihii xabaaluhu waraabaha qodaya xabaasha, wadhaf iyo shiid bay ku tuurtuureen si uu iskaga cararo, haseyeeshee kama tagin ilaa markii dambe ay xabad ula soo baxeen oo ay ku rideen . “xalay uun baanu aragnay Waraabe foqaya xabaasha, camuudi iyo dhagaxiiba wuu ka guray oo hoos buu usoo qodayey”ayuu yidhi mid ka mid ah shaqaalaha ilaaliya xabaalahan oo nooga waramayey siday wax u dhaceen, mar kale ayaan waydiiyey hore miyey u jirtay inay xabaalo sidan oo kale ah uu u foqay, maxaase inta uu xabaalaha soke soo dhaafay tan badhtanka ku jirta u foqay “ ma garanayo laakiin markii uu ka tagi waayey oo wadhaf ku tuurtuurnay uu tagi waayey ayaanu xabad ku riday oo uu cararay ka dibna dib ayaanu camuudii ugu rognay”.
Dad badan ayaa ku soo ururiyey xabasha la qoday, iyadoo is waydiinay waxa uu Waraabuhu ku arkay iyo afarta kun ee xabaalood ee kale ee waliba kooneyaasha xiga u qodi waayey ee uu tan ku arkay, isla markaana uu inta uu xabaalihii kale soo wadda dhaafay xabaashan u qotay, waa su’aal qofkii caqli lihi is waydiin karo, laakiin jawaabteedu adagtahay.

 

 

 

Haseyeeshee waxa kale oo naloo sheegay inay jirto xabaal kale oo mar kasta uu soo foqo ka dib markii uu ka deyn waayey qodista iyo inuu la soo baxana ay markii dambe sibidh ku samayeeyeen, isla markaana gabi ahaanba xabaashii ku dahaadheen sibidh si aanu mar kale u faqin. “Arrintu tii la sheegi jiray ee Dhidar Xaabaalo qoda waxbay kaga duwan-tahay oo waa Xabaalo badhtanka ah.” Ayuu yidhi mid kale,
Xabaalahan aanu siyaaranay waxa ku aasan ku dhowaad afar kun oo qof, haseyeeshee waxa mucjiso noqotay dadkuna ka yaabiyey sababta waraabaha ku kalifay inta uu xabaalo badan iska soo dhaafo inuu mid calmado oo uu isku dayo inuu maydkii ku jiray la soo baxo, iyadoo aanay xabaashu ahayn mid cusub oo dhowaan lagu aasay, balse ay tahay mid dhawr bilood iyo wax ka badan lagu aasay, sidoo kale, waxa iyaduna mucjisadaasi keentay inay dadku is waydiiyaan maxa uu qabriyadda koonayaasha xiga u qodan waayey hadii uu xabaal uu qoto doonayo iyo maxaa ku kalifay inuu afarta kun ee ku aasan waxa uu labadan xabaalood ku arkay, taasina waxa waxyaalaha dadku is waydiinayaan.
Haseyeeshee, markii ay dadkii xabaasha arkay ka jawaabi kari waayeen sababta waraabuhu u qodayey ayey niyadooda ku qanciyey inay tahay mucjiso wax lagu qaadan karo, isla markaana aan waydiinteedda cidi ka jawaabi Karin, balse loo baahan yahay in wax lagu qaado.
Guntii iyo gabogabaddii, akhrista mar kasta waxa aad aragtaa waxyaalo qariib ah oo dhacay iyo wax ka yaabi, marka ha u qaadan wax iska dhacay iyo wax dhici kara,laakiin u qaado wax ilaahay wax kugu tusayo oo aad ku dadaashaa inaad marto jidkii ilaahay ogolaa iyo ku xidhnaashaha ilaahay iyo sunihii Nabigeenna Maxamed scw.
Warbixinta Waxa Diyaariyay..
Barkhad-ladiif M. Cumar. 
Salaanmedia/Hargaysa
Xigasho Somalilandlive