Mucjiso Rabaani ah! Cir bixiyeen British ah oo bad baaday, kadib markii uu kasoo dhacay 12,000 ft

Mucjiso Rabaani ah! Cir bixiyeen British ah oo bad baaday, kadib markii uu kasoo dhacay 12,000 ft
104fiit
Cir bixiyeen u dhashay dalka ingiriiska ayaa ka badbaaday shil culus kadib markii uu kasoo dhacay jog sare oo gaadhaya ilaa 12,000 ft, xili uu ku guda jiray howlihiisa shaqo.

Ninkani ayaa soo dhacay kadib qalad ka yimid cir bixiyeenadii kale oo ay isla shaqeynayeen.

Arintani ayaa timid isbuucan markii ninkani iyo qof kale oo ay wada socdeen ay soo fureen albaabka diyaaradii ay saarnaayeen.

Cir bixiyeenka kahbiirka ah oo lagu magacaabo Ben Cornick oo 31 jir ah ayaa si la yaab leh ugu soo dhacay dhulka, waxaana dadkii halkaasi ka ag dhawaa ay ku noqotay lama filaan in uu ka badbaaday dhimasho.

Isagoo dhaawac culus ah oo jajabay ayaa la dhigay isbitaalka oo hada lagu daweynayo.

Dad badan ayaa arintan u arkay in ay tahay mucjiso rabaani ah, maadaama xiligiisa uusan dhamaanin ninkaasi.

(Laaqalo)