MUWAADIN BAAN AHAYE XUKUUMADDU HAY QANCISO ?

maqaal
Diinteenna suuban waxa u saldhig ah , wada hadal – isla tashi- tusaaleyn- wadatashi iyo ISQANCIN , I QANCI ama aan ku QANCIYO ..
Risaaladda islaamku (diinta islaamku) waxay ku fiddey DACWAD- QANCIS , la qanciyey ummadihii gaalada ahaa – kufaartii -mushrikiintii iyo kuwii cawaanka ahaaba .
Waxa qaar badan lagu QANCIYEY , inay diinta islaamka qaataan , markii lala galey doodo iyo wadahadalo badani , qaar badani way qaateen , kuna QANCEEN .
Hadey mas alo ama arini muran gasho ama arin cidi soo kordhiso dalka iyo dadka u dan ah  , waa in  laga wada hadlaa oo lays qanciyaa , kabacdina la qaataa .
Culimada kobcinta tarbiyadda (rabaynta) waxay diraaseeyaan sidii dadka loo qancin lahaa , mas aladan waa in culimadeenu cilmi baadhis ku sameeyaan , sida ugu fiican ee dadkeena loo qancin karo ama wax loogu sheegi karo , ilayn sidan uun ku sii jiri kari maynee.
HOGAAMIYUHU -siyaasigu waa inuu garanaayo , kari karona sida dadka loo qancin karo , waxna loogu sheegi karo , shacabkuna markuu wax ogaado ee la qancyo ayuu qaadan karaa .
Hogaamiyuhu – siyaasigu mas uulku iyo askarigu ba :
maaha inuu adeegsado xoog – caga jugleyn – waan ku xidhi iyo hanjabaad aan loo baahneyn , soconeyna  .
maaha amar aan dadka iyo dalka u dan aheyn in layska soo saaro .
maaha in shcabka awood iyo xoog aan u dan ahayn loo adeegsado 
maaha inaad iska qayliso – sharciga ku adeegato  ku tumato oo aad weliba shacabka ku dulmido .
maaha in uu amarkaagu qasab ku socdo , haddii uu yahay mid dadka iyo dalkaba waxyeelo u keenaaya .
maaha inaad u qaadato amar kastaa oo aad soo saartaa inuu sax yahay .
maaha inaad isla waynaataa , oo aad tidhaahdaa  , aniga oo qudha ayaa saxan .
maaha amarkaaga khaldani inuu meel maro , haddii uu sababaayo (buuq- rabshado- qalalaase- xasilooni darro – dhaawac-dhimasho iyo khasaare kaleba .
aqoon darro ayaa heysata cidda adeegsata xoogga .
aqoon darro ayaa keenta muranka .
AQOON darro ayaa keenta ISQAN LA AANTA .
shacabka waa in amarka (sharciga) loogu sheegaa , sida uu u qaadan karo iyo sida uu u fulin karo isaga oo ka raaliya .
siyaasigu iyo askarigu ba maaha inuu amar lasiiyey uun iska qaato oo uu isku dayo inuu xoog ku fuliyo kuna meel mariyo .
BERIBAA waxa dhacdey in ay iswareysteen EY iyo DEERO .
EYGII ayaa waxa uu waydiiyey DEERADII : maxaan kuu gaadhi waayey ee aan kuu soo qaban kari la ahey ? iyadoo laygu yaqaano , DHEEREYN iyo XOOG badnaanba ?
DEERADII : baa ugu jawaabtey : adigu waxaad u dheereynaysaa oo aad u ordeysaa oo aad u xiiqsan tahey , inaad raali geliso cidda ku soo diratey (ama cidda ku leh) , anna nafteyda ayaan u ordayaa oo kaala cararayaa , kaana badbaadinayaa .
Hadaba waa in siyaasiyiinta iyo mas uuliyiinta taba baro (training course) badan la siiyo , sida ay dadka (shacabka -bulshada) ula hadli lahaayeen , una qancin lahaayeen markey la hadlayaan .
Hogaamiya yaasha – siyaasiyiinta iyo mas uuliyiinta somaliland , waxa la gudboon , inay bartaan sida shacabkooda loo hadlo , loona qancin karo , waxna loogu sheegi karo .
Xoog iyo inqilaab toona kumaydaan iman , dalkana ku maydaan qabsane .
Doorasho uu shacabku idin doortey baad ku timaadeen maamulka dalka , shacabkii aad ku qanciseen inay idin doortaanna way joogaan oo waa kuwan aad iminka qancin kari la dihiin ee aad (xoogga -xadhiga -dulmiga – awoodda dhaawaca iyo dilka aad u geysanaysaan ). 
ISQANCINTII aad shacabka ku qancisey in talada dalka laguugu dhiibo , ayaa iminka lagaaga baahan yahey , inaad shacabka qanciso lagaagana fadhiyaa , waxan aad wadaana wax sii soconaaya maaha .
Muwaadin baan ahey , oo waxa aad sameynaysaan inaan ku qanco (oo laygu qanciyo )ayaan u baaha nahey .
xukuumadda waxaan uga fadhiyaa in la QANCIYO .
 
CALI MAXAMED BIIXI    caliwwelli@hotmail.co.uk