Nin Xaday Dahab Ka Dibna Liqay

Nin Xaday Dahab Ka Dibna Liqay

105dahab

Damu Gubta oo ah Nin 28-sano jir ah ayaa ku fashilmay dahab uu xaday kadiba uu liqay kagadaal markii ay ogaatay haweeneydii dahabkaasi lahayd kuna dalbatay dad badan oo rakaab ah oo xiligaasi la socday.

Dhacdadan ayaa ka dhacday Magaalada Kalyanee ee Dalka Hindia, ninkan burcadka ah ayaana Haweeney rakaab ah oo saarneed Tareen waxa uu ka xaday sil silad dahab ah oo qoorta uga xidhneed isagoo si kadis ah markii la ogaaday ku liqay dahabkii uu xaday.

Dahabkan oo gaadhayay 11-Gram ayaa haweeneydii lahayd waxa ay ku qeylisay in ninkan uu ka xaday dahabkeeda iyadoo gar gaar waydiisatay dadkii rakaabka ahaa ee Tareenka la saarnaa waxaana xiligaa kadib lagu soo yaacay ninkii tuuga ahaa balse markii la qabtay ayaa laga waayay wax dahab ah in uu gacanta ku hayo.

Ciidamada Booliiska oo loo gacan galiyay Ninkan burcadka ah ayaa baadhitaano X-rey ay marsiiyeen kadib ka waayay caloosha ninkan in uu ku jiro wax dahab ah uu liqay balse ugu dambeyn ayaa hadana la saaray Cumputer (Ultrasound) kaa oo lagu ogaaday in ninkan Calooshiisa uu dahab ku jiro.

Ciidamada Booliiska iyo dadkii rakaabka ahaa ee saarnaaTareenka ayaa ninka Burcadka ah waxa ay si qasab ah ku cunsiiyeen ilaa 96-Xabo oo Moos ah si looga soo saaro Dahabka uu liqay kuna jira Calooshiisa.

Ninkan ayaana ugu dambeyn soo matagay dahabkii uu xaday , waxa ayna Ciidamada Booliiska sheegeen in ninkan dhoor mar uu xirfadan oo kale ku dhacay dad badan balse uu muteesan jiray kaliya xarig mudo kooban ah.