Puntland Oo Sheegtay Inay Khasaare Xoogan Gaadhsiiyeen Al-Shabaab-ka Buuraha Galgala

Puntland Oo Sheegtay Inay Khasaare Xoogan Gaadhsiiyeen Al-Shabaab-ka Buuraha Galgala

108puntaland
Garowe, January 26, 2014 (Salaanmedia.com) – Wasiirka amniga ee maamul goboleedka Puntland Khaliif Ciise Mudan, ayaa shir-jaraa’id oo uu Garoowe ku qabtay wuxuu kaga warbixiyey dagaal shalay deegaanka Galgala oo qiyaastii 55km magaalada Boosaaso koonfur galbeed kaga beegan ku dhex maray ciidamada maamulka Puntlad iyo xooggaga Al-shabaab ee fadhigoodu yahay buuraha Golis.

Wasiirku wuxuu sheegay in ciidamada Puntland ay weerar ku qaadeen deegaanno ay isku uruursanayeen kooxo ka tiran Al-shabaab goor hore oo shalay subax ah, kaddib markii ay ka war heleen dhaqdhaqaaqyada ay deegaannadaasi ka wadaan ay gulufkaasi ku ekeeyeen.

Mr Khaliif ayaa sheegay inay khasaare xooggan u geysteen isla markaana ay ku khasbeen inay u cararaan dhul aad uga durugsan meeshii uu shalay dagaalku ka dhacay. Saddex dagaal-yahan oo Shabaabka ka tirsanaa ayuu Khaliif Ciise xusay in dagaalkaas lagu diley todobo kalena ay ku dhaawacmeen.

Dhanka ciidamada Puntland khasaaraha soo gaadhay mar uu ka hadlayey wuxuu sheegay in hal askari uu kaga dhintay, hase yeeshee muu cadayn tirade askarta dhanka ciidamada Puntland ka dhaawacmay, balse ugu yaraan 4 askari oo dhaawac ah ayaa gelinkii hore ee shalay lasoo gaadhsiiyey Cusbitaalka guud ee magaalada Boosaaso.

Kol. Khaliif Ciise Mudan ayaa dhanka kale hambalyo u diray ciidamada qalabka sida ee maamulka Puntland isagoo ugu mahadceliyey sida ay ammaanka u adkeeyeen xilligii doorashada iyo weliba sida ay mar walba xoojinta ammaanka iyo nabadgelyada deegaanada Puntland ugu heellan yihiin.

Ugu dambeyntii ku-simaha wasiirka amniga ee Puntland wuxuu baaq u diray dadweynaha reer Puntland isagoo ku boorriyey in ay ciidamada ammaanka si joogto ah ula shaqeeyaan maadaama taageerada bulshada la’aanteed ay adagtahay in nabadgelyada si hagaagsan loo sugo.

Ma jiro wax war ah oo ku aaddan dagaalka shalay ee deegaanka Galgala ka dhacay oo kasoo baxay dhinaca xarakada Al-shabaab ee iyagu ku sugan halkaasi.