Qaraxyadii Gaalkacayo Ka Dhacay Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac

Qaraxyadii Gaalkacayo Ka Dhacay Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac

qarax9-300x225

Gaalkacayo(Salaanmedia.com)-Waxaa Faahfaahino kala duwan ay kasoo baxayaan qaraxyadii Maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, iyadoona Khasaaraha ka dhashay uu yahay dhimashada 3 Ruux & dhaawaca 7 kale.

Saraakiisha Amniga kama hadlin Qaraxyadaan dhacay Maanta, iyadoona Duqa Degmada Gaalkacyo Axmed Cali Salaad oo la hadlay qaybaha warbaahinta uu ka tacsiyeeyay Qraaxyadii dhacay, waxaana uu sheegay in aan loo dulqaadan doonin falalkaan.
laamaha Caafimaadka Gobolka Mudug ayaa dhinacooda ka hadlay Qaraxyada isdabajooga ahaa ee Galakacyo ka dhacay, iyadoona Maamulka Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug uu sheegay in dadka Xaaladooda lala tacaalayo.
Hawlgalo ayaa laga sameeyay Madasha Qaraxu ka dhacay, iyadoona la ogaaday in nooca qaraxu uu ahaa kan dhulka lugu aaso sida dad gooob joogayaal ah ay u xaqiijiyeen warbaahinta

(Laaqalo)