Qiimaha Dhabta Ah Ee Real Madrid Ku Dooneysay Neymar Oo La Ogaaday

Qiimaha Dhabta Ah Ee Real Madrid Ku Dooneysay Neymar Oo La Ogaaday
108neymar
Kooxda Real Madrid ayaa doonaysay in ay bixiso lacag gaadhaysa 105 Milyan Euro si ay ula soo Wareegto xiddigii hore Ee kooxda Santos iyo xulka Brazil Neymar oo haatan u ciyaara Barcelona.

Documentiyo ku saxeexan Real Madrid ayaa lagu soo daabacay inta badan wargeysyada kasoo baxa Dalka Spain kuwaa oo cadeynaya qiimaha saxdaa ay Real ku baadi goobeysay Neymar, Madrid Ayaa la sheegey in ku dhawaad 60 Milyan oo Euro ay u qorsheysay shirkad uu lahaa Aabaha dhalay Neymar lacagtana la doonayay in loo bixiyo afar qaybood.

Madrid ayaa sidoo kale ku bixin lahayd 25 Milyan Euro hadii Neymar uu ku biiri lahaa koox kale Oo aan aheyn Barca taa oo lagu tilmaamay in Real aysan raali ka aheyn in Neymar kusoo biiro Kooxda ka dhisan Catalonia Ee Barcelona, Aabaha Neymar dhalay ayaa Real kula heshiiyay inay Bixiyan lacagaha dhaman si loo dhameeyo heshiiska uu ugu wareegi lahaa kooxda Real Madrid.

Santos ayaa heshiiskan ka heshay lacago Lagu qiyaasay 10 Milyan Euro lacag intaa la eg ayaa loo qorsheeyay shirkadihii Lahaa xuquuqda dhaqaale Ee Neymar halka Neymar qoyskiisa loo qorsheyay 60 Milyan si looga weeciyo Neymar hamigiisa Ahaa Inuu ku biiro Barca oo uu yaraantiisi Ku hamin jiray.

Dhanka mushaarka Neymar ayaa lagu Heshiiyay in mudada lixda sano Ee Neymar u saxeexi lahaa Madrid loo gacan galiyo lacag gaadhaysa 10 Milyan Tartamada ka hor ama 12 Milyan hadii uu Saxeexo sideed sano iyadoo musharkiisa xilli ciyaareedka uu qaadan lahaa aan la shaacin sido kale Gunooyinkana ay ku xidhan tahay koobab ku guulaysiga kooxda Real Madrid

Laaqalo