QORMADA-QURBE-JOOGA DADYOW NABAD BAA DUGSOO. DADYOW DAMAL LA HADHSADAA. DADYOW DOOMAAR MACAAN.

QORMADA-QURBE-JOOGA

AMRAN

DADYOW NABAD BAA DUGSOO. DADYOW DAMAL LA HADHSADAA.

DADYOW DOOMAAR MACAAN.

Dalkeena Somaliland muddooyinkan u dambeeyey waxaad moodaa inay dawladdu indhaha ka qarsanayso tabashooyinka shicibka iyo xad gudubka lagu sameeyo dadka qaarkood. Muwaadin kasta oo reer Somaliland ah waxa saran waajib biyo kama dhibcaan ah, isakuna wuxuu leeyahay xuquq weyn oo taa hore barbar taal. Reer Somaliland raasul-maalka qudhe ee ay dhowrayeen waxay ahayd nabad-gelyadooda ay muddada dheer ku naaloonayeen.

Waxaan haddaba shaki ka jirin, ahna wax laga xumaado. Una baahan inay dawladdu talaabo weyn ka qaado ciidamada RRU iyo cidii kale ee ay amar ka qaataan, ee daramalka colaadeed, qalaan-qal iyo argagixisada ka dhex aloosay shicibka. Falka ay ku kacayaan waa mid aad uga xanaajiyey qof kasta oo reer Somaliland ah  kuna nool qurbaha. Waa arrin dhidhin kara qoontii , cabudhintii iyo cuno qabatayntiin ay hore ugu dulqaadan waayeen maamulkii Siyaad Barre.

Taas ugama jeedo  gadhoow lagu sii daayey gafuur dhaaf, ee qofka muwaadinka ah haddii lagu soo cadeeyo dembi kuu doonaba ha noqdeen waan in isna sharciga lala tiigsadaa. Waa inuu muwaadinku u hogaansamaay sharciga iyo qawaaniinta dalka u yaalana uu ixtiraama. Arinkaas wuxuu suuro gali karaayoo qudha marka cadaaladi jirto.

Dalku waxuu leeyahay dawlad, guurti, culamaau-diin, salaadiin iyo cuqaal, aqoon-yahanno iyo in kale oo badan oo sama-taliyeyaal ah. Kuwaas oo uu  xil weyni ka saran yahay markasta sidii ay wanaag iyo nabadda ugu guntan lahaayeen, ugana  shaqayn lahaayeen sidii uu qof kastaaba u heli lahaa xuquuqdiisa oo sugan iyo cadaalad uu qof kastaaba saamigiisa helo.

Shicibka reer Somalilandna waxaan odhan lahaa, ha eegaan isha Cali ka laa-laada iyo colaadi dhibaatada ay soo gaadhsiisay wadanno badan oo innagu xeeran.  

Ugu dambayn waxaan u soo jeedinayaa xukuumadda Somaliland  inay la timaado dul-qaad iyo danaynta shicibka iyo danta guud. Horaa loo yidhi nin xil qaaday eed qaad.

Qalinkii: Ubaxgalool