QORMADA QURBE-JOOGA…..DAL AANAD LAHAYNI WAA DAREEN KU JOOG

QORMADA QURBE-JOOGA

AMRAN

DAL AANAD LAHAYNI WAA DAREEN KU JOOG

Dal kasta oo aanad u dhalan ama aanad isir la wadaaginiba waa qurbe. Dadka Somaliyeed na sidii uu u dhacay qaran- jabku sagaashanaadkii, waxay sida daadka ugu soo qulqulayeen qurbaha oo ay dan iyo ammaan ba soo bideen. Kuwoodii ugu nasiibka badan waxay galeen wadanada Khaliija Carabta oo ay nolol maalmeedooda la tacaalaan .  In kasta oo ay iyagaba soo food saarto dhibaato dhaqaale darro ama sheqo la’aani, hadana waa dalal aynu diinta Islamka la wadaago duruufo kale waxay noqdaan ba.

Qormadeenan maanta waxaynu ku soo qaadan doonaa, nolosha dadka Somaliyeed  ee ku nool wadanada  reer Yurub meelaha ay ugu badan yihiin sida: Dalalka  Iskandaneefiyanka loo yaqaan iyo cariga Ingriiska.  Haddii aynu ku horeyno Iskandaneefiyanku waa : Iswidan, Finland, Denmark, Norway iyo Island oo ah wadanada ku yaala woqooyiga Yurub. Marka laga reebo dalka Island oo aan u malaynayaayo Somali daayoo inaan Afrikaba weli cidi ka joogin, wadanada kale waxay Somalidu ku nool yihiin dhowr iyo labaatankii sano ee ugu dambeeyey.

Inkasta oo ay wadanadaasi yihiin xilliga qaboobaha dalal aad u qabow, hadana waxa ku ilowsiiya quruxda iyo qoraxda aan kaa libdheen ee xilliga xagaaga iyo daryrta. Wadanada Iswiden, Finland iyo Norway waxay leeyihiin xuduud u dhexeeya. Hadaba saddexdaa dal waqooyiga sare ee ay wadaagaan o olla yidhi: Lapland  meelaha qaarkood  lix biloodna waa madow oo qorax  arkimaysid, lix biloodna qoraxdu ma dhacdo oo waa milic iyo iftiin. Marka aynu dalalkaas iyo cimiladooda intaa ku dhaafno waa wadanada ugu ammaanka, nadaafadda iyo xaq-soorka  badan. Inkasta oo afafka  dalalkaas lagaga hadlaa ay aad u adag yihiin, hadana Somalida si fiican ayey ula qabsadeen uguna nool yihiin intooda badani.  

Dalka Ingriis  waxa ku nool dhowr boqol oo kun oo asal ahaan ka soo jeeda Somali. Ingriiska oo ka mid ahaa gumaystihii soo isticmaarsaday Somaliland markii ay reer Yurub Afrika kala qaybsanayeen, ayaad moodaa inay joogaan wakhtigii Sayid Maxamed Cabdulle Xassan uu lahaa Ingriis jabyoo waxaa ku dhacay jac iyo baaruur  dhe. Waxaan uga socdaan, in Alla intii uu soo gumaystay uun Alla ayaa ka soo daba guuray. Dadka Somaliyeedna ama Yurubta kale ha ka soo guuraan ama Afrikaba e, si aan xad lahayn ayyey u soo buux dhaafiyeen caasimadda dalka ee London iyo magaalooyinka kale ba.   Dadkaasi  intooda badani waxay caruurtooda la jeclaysteen barashada afka Ingriiska oo ay u arkeen in maslaxad mustaqbalkoodii ku jirto.  Islan Somaliyeed oo barisamaad dhulkeeda hooyo joogta ayaa mar la yidhi waxa dhacay sonkor waa buraanburtay oo waxay tidhi:

WAA LAGUU IISHAY, INGIRIIS WANAAGSANOW

BAAHIDAADII LA ARAG, BOQORKII GAALADOW

SIDAAD U BAQOOSHAY, KILLIGIIBA MAAN BIGAYN

Sida xaqiiqda ahna dalka Ingiriis wuxuu kaga wanaagsan yahay wadanada kale oo dhan xagga sharci bixinta iyo xuququl insaanka.Balse,  laaca aragtaye , laagga ma og tahay. Waa dalka ugu badan ee dhalin yarad guud ahaanba, nolosha  adag ku jiraan  siiba wiilashay oo markasta naftoodu khatar soo food saarto. Dhalin yaro  badan Somali ah ayaa la dila, qaar kale na iyagaa wax dilay. Kumaankum kale na waxa hoy u noqday jeelashay oo ay buux dhaafeen.

Nasiib daro, Waxaan ku tilmaami karaa waalidiinta Somaliyeed ee caruura  yaryar ama dhalin yaro rag ah leh oo markasta wadnaha farta ku hayn, iyagoo uga cabsi qabi khtarta caruurtooda iyo dhalin yaradu ku sugan yihiin ee ammaan daro. Halka wadanada Iskandanefiyanka uu ilmaha  todoba jirka ihi uu iskiisa  iskuulka keligii tago isagoo wax cabsi ah qabina uu gurigooda dib ugu soo noqd.

Qalinkii: ubaxgalool