Real Madrid Oo Ka TalaabsatayReal Betis Islamarkaana Dhibco Ahaan Soo Qabatay Atletico Iyo Barca

Real Madrid Oo Ka TalaabsatayReal Betis Islamarkaana Dhibco Ahaan Soo Qabatay Atletico Iyo Barca
103real

Real Madrid ayaa dhibco ahaan ka dabatimid kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid ka dib markii ay si raaxo leh 5-0 uga awoodsheegteen kooxda Real Betis oo marti loo ahaa.

Real Madrid ayay ku qaadatay kaliya 10 daqiiqadood inay hogaanka u qabato ciyaarta markii kubad gantaal ah oo ku socoto xawaare 100km saacadii ah uu dabamariyay goolhaye Anderson kaasoo aan wax fursad ah u helin inuu celiyo.

Goolkaas ayaana ahaa goolkii 22aad ee uu La Liga ka dhaliyo Ronaldo xilli ciyaareedkan, waana goolkiisii 32aad ee uu tartamada oo dhan dhaliyo xilli ciyaareedkan.

Gareth Bale ayaana daqiiqadii 24aad u barbareeyay ka dib markii uu laad xor toos ah shabaqa ku hubsaday, waxaana goolkaas uu ahaa goolkiisii sideedaad ee uu ka dhaliyo La Liga 14 kulan uu ciyaaray.

Karim Benzema ayaa u maleeyay inuu kooxdiisa u dhaliyay goolka seddexaad daqiiqadii 31aad laakiin waxaa looga diiday offside, balse gool rasmi ah ayuu helay daqiiqadii 1aad ee daqadihii dheeriga ee lagu daray qeybta hore iyadoo goolkaas uu caawiye ka ahaa Luka Modric.

Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 3-0 oo ay hogaanka ku heysay kooxda martida aheyd ee Real Madrid. Waxaana bilowgii qeybta labaad fursad dahabi ah ka qasaariyay Real Madrid CR7 kaasoo kubad loo dhexbixiyay ay ka dhigtay inuu la kortago goolhayaha laakiin waa uu dhawaaday waxaana ay u saamaxday goolhaye Anderson inuu kubada kooner u bixiyo.

Benzema ayaa isaga fursad kale oo fiican abuuray laakiin waxaa ka badbaadiyay goolhayaha reer Denmark. Real Madrid ayaase ciyaarta ka dhigtay mid hal dhinac ah daqiiqadii 61aad markii Di Maria uu shabaqa dhigay kubad kooner aheyd oo la soo bixiyay.

Morata ayaana ciyaarta u hurdo u diray dhamaadkii isagoo dhaliyay goolkii shanaad ee Real Madrid.

Real Madrid ayayna guusha ku raacday 5-0, waxaana y haatan 50 dhibcood la wadaagaan kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid kuwaasoo kulan uu u harsan yahay iyadoo Real ay weli kaalinta 3aad ku jirta madaama ay farqiga goolasha ka yar tahay kooxaha kale ee ay horyaalka kula xafiiltamayaan xilli ciyaareedkan

Laaqalo