Roberto Mancini Oo SheegayInuu Guulaha Man City Ka Mas’uul Yahay

Roberto Mancini Oo SheegayInuu Guulaha Man City Ka Mas’uul Yahay
106wakaalada

Tababaraha kooxda Galatasaray Roberto Mancini ayaa sheegay inuu leeyahay masuuliyada Guulaha kooxdiisi hore Man City sido kale wuxuu aaminsanyahay in guulaha ay gaadheen uu qeyb Buuxda ku leeyahy markii loo eego sida uu u aasaasay kooxda seddexdi sano Ee uu joogay.

Mancini ayaa la ceydhiyay dhamaadka xilli ciyaareedkii hore inkastoo City uu u gacan galiyay koobkii Ugu horeyay mudo 30-sano ah Fa Cup-ka dalka England Sanadkii Xigayna ay Jeebka ku riteen EPL.

Waraysi uu siiyay BBC’s World Service wuxu sido kale ka dhawaajiyay in kooxdii ay xafiiltami Jireen Ee Man Uniteda ay ubaahan tahay inay dib u qaabeyn ku sameyso kooxdeda si ay ugu Tartaman horyaalka.

Tababrahan u wareegay Galatasaray kadib markii uu ka tagay City ayaa yidhi: “Chelsea wey is Badashay waxeyna soo iibsatay xiddigo cusub sido kale City ayaa soo iibsatay 4 ama 5 Ciyaaryahan, sannado badan ka dib waxa la joogaa waqtigii loogu talagalay United inay is bedel Ku sameyso kooxda.”

City afar koob ayay ceyrsaneysa xilli ciyaareedkan waxey gaareen League Cup Final talaadadi Kadib markii ay Westham United isku Celcelis ahaan labbada lug uga badiyeen 9-0 waxeyna dhibic Ka hooseeyaan Arsenal oo Horyaalka hogaamineysa Sido kale waxey usoo gudbeen Champions League iyo FA Cup ayagoo dhaliyay dhaman tartamada 106 goal.

Ing Laaqalo